Wargeys Ka Soo Baxa Dalka Jarmalka Oo Somaliland Ku Tilmaamay โ€˜Mucjisada Geeska Afrikaโ€™

0

Wargeysku wuxuu sheegay inaanu Miyiga Magaalooyinka Somaliland ka jirin Adeeg Caafimaad iyo Waddooyin

Hargeysa (Geeska) โ€“ Wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka oo lagu Magacaabo Spiegel, ayaa War-bixin dheer ka qoray Jamhuuriyadda Somaliland.

War-bixintan oo dheer, ayaa ka hadlaysa Nabadgalyada, dhismayaasha, heerarka kala duwan ee Waxbarashada, Caafimaadka iyo Waddooyinka, waxayna si gaar gaar ah uga warramaysaa mid walba heerka uu ka taagan yahay gudaha Somaliland.

War-bixintan oo Wargeysku shalay baahiyey, ayaa ciwaan looga dhigay โ€˜Mucjisada Geeska Afrikaโ€™, waxaana lagu bilaabay in Somaliland horumar ka gaadhay ama ku liibaantay Nabadgalyada, taasi oo dalka Soomaaliya hirgelinteeda ku fashilmay โ€œSomaliland waxay gaadhay wax jaarkeeda Soomaaliya sanado badan ku fashilantay inay samayso, taasi oo ah Nabadgalyo, Xasillooni, Argagixiso laโ€™aan, taasi oo aanay (gaadhiddooda) wax caawinaad Caalami ah la helin..โ€ ayuu sheegay Wargeysku, waxaanu intaa ku daray oo uu suโ€™aal geliyey โ€˜siday u shaqaysaaโ€™.?

Wargeysku wuxuu sheegay in Caasimadda Somaliland ee Hargeysa laga heli karo wax kasta oo qofku u baahdo, sidoo kalena ay ku yaallaan meherado iibiya cuntooyinka iyo Cabbitaannada fudud, sida Bunka, Pizza iyo Burger-ka โ€œSomaliland waa mid ka mid ah Waddamada ugu saboolsan Adduunkaโ€ ayuu Wargeysku ku sheegay War-bixintiisa.

Wargeysku wuxuu War-bixintiisa si gaar ah ugaga hadlay Xaaladda ay ku nool yihiin Dadka reer Somaliland ee Miyiga Magaalooyinka ku nool.

โ€œDeegaannada miyiga ah, qaybo badan oo dadka ka mid ah waxaa si baโ€™an ugu habsaday gaajo, ma jiraan wax waddooyin laami ah, korontada ayaa liidata, daryeelka caafimaadkuna waa mid aan jirin. Laakiin, marka taa la barbar dhigo Soomaaliya oo deriska laโ€™ ah, way ka sii kordhaysaa (Baahidu) intaa..:โ€ ayaa lagu sheegay War-bixintaasi

Dhinaca kale, Spiegel wuxuu ka warramay sida u dhismayaan Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa โ€œMeel walba waxa Hargeysa ka socda dhisme.โ€ Ayuu sheegay, waxaanu intaa sii raaciyey in habka loo Maamulo Dhaqaalaha dhismayaashaasi sida Bangiyada iyo Xafiisyada kale uu cad yahay, waxa kale oo uu xusay doorashooyinka Somaliland โ€œWaxa jira doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah. Illaa iyo hadda, isbeddelka xukunkuna wuxuu ku dhacay si deggan, xitaa haddii Xisbi Mucaarad ahi yimaaddo Talada..โ€

War-bixinta oo dheer waxa kale oo uu Nabadgalyada iyo Isbeddellada khuseeya dhinaca Dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland uu barbar-dhigay Xaaladda Soomaaliya, waxaanu sheegay in Indhaha Caalamku ka xidhan yihiin Somaliland oo ay ku nool yihiin dad ka badan 3.5 Million oo haysta Nabadgalyo, Ciidan iyo Nidaam Cashuur-bixineed, laakiin Dunidu ku mashquulsan tahay Balaayiin dollarna ku bixisay Soomaaliya oo aan cagaheeda isku taagi karin.

xigasho geeska