Nin u dhacay saldhig ay ka duulaan diyaaradaha madaxweynaha Mareykanka

0

Ciidamada cirka ee dalka Mareykanka ayaa dib-u-eegis ku sameyn doono amniga dhammaan saldhigyadooda ku yaal daafaha caalamka kaddib markii nin uu iska soo galay gudaha saldhiga ay yaallaan diyaaradaha ay isticmaalaan madaxweyneyaasha Mareykanka ee Air Force One.

Maalintii Khamiista ahayd ayaa nin aan hubeysnayn waxaa u suurtagashay in uu gudaha u galo saldhiggaasi milatari ee Joint Base Andrews oo ku yaal gobolka Maryland.

Ninkaasi ayaa gudaha u galay diyaarad nooca C-40 ah oo qeyb ka ah diyaaradaha ay isticmaalaan hoggaamiyeyaasha dowladda Mareykanka. Afhayeenka waaxda gaashaandhigga, John Kirby, ayaa sheegay “in qof walba uu dhacdadaasi si dhab ah u qaadanayo.”

Ma jiro tuhun ah in ninkaasi uu xiriir la leeyahay kooxaha xagjirka ahi.

Ninkani ayaa waxaa qabtay ciidamada ammaanka ee ku sugan saldhigaasi oo markii dambe ku wareejiyay booliska maxalliga ahi, sida lagu sheegay warbixin qoraal ah oo ka soo baxday ciidamada cirka ee Mareykanka.

Ilaa iyo haatan lama soo sheegin waxyeello soo gaartay askartii ku sugnayd saldhiggaasi.

Saldhigga Joint Base Andrews ayaa ku yaal meel qiyaastii 24km u jirta Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkaasi Mareykanka, waxaana inta badan ka soo dega ama ka duulo madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo hoggaamiyeyaasha kale ee dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden oo u socday magaalada uu ka soo jeedo ee Wilmington ayaa Jimcihii ka duulay saldhigaasi ciidan.

Taliyaha guud ee ciidanka cirka Mareykanka ayaa sameyn doono baaritaan ku saabsan dhacdadaasi, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada cirka. Sidoo kale waxaa la samayn doonaa “dib-u-eegis dhammaystiran oo ku saabsan amniga” dhammaan saldhigyada ciidamada cirka ee Mareykanka ay ku leeyihiin daafaha dunida.

Col Roy Oberhaus, oo ah taliye ka tirsan saldhiggaasi Joint Base Andrews ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in amniga saldhigyadoodu uu yahay mid aad muhiim u ah isla markaana dhacdadani ay tahay “xadgudub halis ah oo dhanka amniga ah”.

Dhacdadan ayaa timid qiyaastii bil uun kaddib rabshadihii 6-dii Janaayo ka dhacay dhismaha Aqalka Congress-ka Mareykanka, kuwaa oo keenay in la adkeeyo ammaanka goobtaasi.

Kumannaan katirsan ciidamada ilaalada qaranka ayaa ilaa bisha Maarso sii joogi doono gudaha Washington.