Meydad carrab dahab ah loo yeelay oo laga soo saaray Masar

0

Waxaa loo maleynayaa in meydadkan carrabyada loo yeelay 2,000 oo sano ka hor, “si ay u hadlaan aakhiro”

Presentational white space

Khubarada cilmi-baadhista taariikhda dadkii hore ayaa waqooyiga dalka Masar kasoo saaray meydad aasnaa 2,000 oo sano, kuwaasoo mid walba uu ufka uga jiray carrab laga sameeyay dahab, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dadkii hore ee waddankaas.

Koox ka kooban Masaari iyo Dominican, oo ka shaqeynaya meel ka tirsan gobolka Alexandria ayaa soo qufay 16 qabri oo u sameysan sida ay qabuuraha u sameyn jireen Giriiggiiiyo Roomaaniyiintii hore.

Gudaha qabuurahaas waxaa ku jiray meydad aan si caadi ah oo fiican loo aasin.

Waxaa la aaminsan yahay in dadkaas markii ay dhinteen loo yeelay dahab loo ekeysiiyay carrab, iyadoo ujeeddadana ay tahay wax lagu sheegay “si ay ugu hadlaan aakhiro”.

Masaaridii hore ayaa aaminsanaa in dadka marka ay dhintaan qabuuraha lagu maxkamadeeyo.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sidoo kale qabuurahaas dhexdooda laga soo saaray dhagaxyo la qoray oo lagu matalayay ilaaha ay dadkaas aaminsanaayeen.

Warbixintan ayaa laga soo xigtay Kathleen Martinez, oo ah haweeneyda hoggaamineysa cilmi baadhista, kana socota Jaamacadda Santo Domingo.

Khaled Abo El Hamd, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda laanteeda gobolka Alexandria, ayaa sheegay in halkaas laga helay qalab kale oo qaarkood dahab ka sameysan yihiin oo ah noocyadii la isticmaali jiray kumannaan sano ka hor, gaar ahaan xilligii ay jireen maamulladii Giriigga iyo Roman-ka.

Goobta qabuuraha laga soo qufay oo horay u ahaan jirtay macbad ayaa hadda ka hor laga helay lacago qadaadiic ah oo ay ku xardhanaayeen magaca iyo sawir lagu matalayo boqorad lagu magacaabi jiray Cleopatra VII.

Cleopatra VII waxay ahayd boqoraddii ugu dambeysay ee dadka luuqadda giriigga ku hadli jiray, waxayna Masar xukumeysay muddadii u dhaxeysay 51-30 BC.

Geerideeda kaddib Masar waxaa qabsaday dowladdii Roman-ka.