Jesse Thistle ayaa in ka badan toban sano ku noolaa jidadka iyo xabsi. Balse sidaas oo ay tahay wuxuu ku guuleystay inuu khabiir ku noqdo dhaqanka awowyaashiis Canada u dhashay – isagoo caawinaad ka helaya hooyadiis, oo ay kala irdhoobeen xilligii uu yaraa.
Mararka qaar, habeenkii, wuxuu dareemi jiray ceeb kaddib markii uu maalintii dhan tuugsanayay. Jesse Thistle wuxuu subixii aadi jiray dhismaha baarlamaanka Ottawa.

Wuxuu ku fadhiisan jiray qarka taallo ay biyuhu ku shubmaan oo gudaha dhismaha ku tiillay, isaga oo gacmaha la galaya biyaha isla markaana urursanaya shilimaadka ay ku tuuraan dadka soo booqda dhismaha ee ka barakeysta. Booliiska ayaa mar walba arki jiray Jesse oo soo galaya. Waxay arki jireen isaga oo shilimaadka qoyan ka buuxsanaya jeebabka, kaddibna way cayrsan jireen.
Jesse wuxuu ahaa 32 sano jir, wuxuuna markaas ka soo baxay xarun dhaqan celin ah, balse wuxuu ku noolaa jidadka, tan iyo markii awowgiis iyo ayeeyadiis ay ka cayriyeen guriga isagoo 19 sano jir ahaa.
Awowgey wuxuu ahaa qof dhanka aadaabta ku adag, wuxuu rumeysnaa shaqada, howlkarnimo runtii, wuu na garaaci jiray haddii aan wax khaldan sameyno,” ayuu yiri Jesse.

“Wuxuu dhihi jiray, ‘Haddii aan mar uun kugu qabto daroogo, waan ku deyrin doonaa,’ wuuna ka dhabenayaa.”
Sidaas darteed, maalintii ay Jesse ayeeyadiis aragtay bac ay daroogada cocaine-tu ka buuxdo oo ka soo dhacday jeebka Jesse, waxaa loo sheegay inuu alaabtiisa urursado oo uu gurigaka baxo.
“Waxay iila mid ahayd in adduunkeyga uu soo dhammaaday,” ayuu yiri. “Wejiyadooda ayaan ka dheehan jiray inaan qalbi jab weyn ku riday.”
Nolosha Jesse ayaa bilowgiiba xumaatay. Aabbihiis, Sonny, ayaa jebiyay sharciga Toronto wuxuuna u cararay waqooyiga Saskatchewan, halkaas oo uu kula kulmay gabar dhalinyaro ah oo ka soo jeedda dadka deegaanka u dhashay ee Métis-Cree.
Blanche Morrissette oo 14 jir ahayd sanadkii 1972, sanad kahor inta aysan la kulmin Sonny
Magaceeda wuxuu ahaa Blanche waxayna u dhashay saddex wiil, Josh, Jerry, iyo Jesse.
Sonny khamri ayuu cabi jiray wuxuuna isticmaali jiray daroogada heroin, ma walbana wuu dagaallami jiray, sidaas darteed Blanche way ka carartay, iyadoo kaxaysatay wiilasheeda.
Waxay muddo ku noolaayeen Moose Jaw, iyagoo ku seexan jiray sariiro hagaagsan, saddexda waqtina wax cuni jiray. Ka dib Sonny ayaa soo laabtay mar kale wuxuuna Blanche u sheegay inuu guri iyo shaqo ku heysto Toronto.
Blanche wax ayay baraneysay sidoo kalena way shaqeyneysa, wuxuuna ku qanciyay in muddo bilooyin ah uu sii hayo wiilasha si uu fursad u siiyo iyada.

Blanche iyo saddexdeeda wiil 1980 – “kahor inta uusan qoyskeennu burburin,” ayuu yiri Jesse
Balse ma jirin shaqo cusub, Sonny kama uusan bixin isticmaalka daroogada. Maalmo ayuu maqnaan jiray, isaga oo wiilasha uga tegaya guriga, kuwaas oo dhammaantood ka yaraa lix sano.
Cunto yar ayaa taallay marka uu Sonny joogay xilliga uusan jooginna wax la cuno ma oollin. Wuxuu wiilasha baray sida loo tuugsado, wax na loo xado iyo inay u hagaajiyaan sigaar laga sameeyay tubaako uu waddada ka soo urursaday.

onny iyo saddexdiisa wiil, sanadkii 1979
Waxay ahayd muddo bilo ah ka dib markii qof deriskiisa ah uu ku war geliyay waaxda carruurta arrintii ninkaas oo sameynayay. Booliiska ayaa yimid oo qaatay wiilashii. Jesse wuxuu markaas jiray afar sano, isaga iyo walaalihiis na dib dambe uma arkin aabbahood.
Kaddib muddo ay ku jireen guryaha agoonta, waxaa loo diray in ay la noolaadaan waaliddiinta Sonny.
“Waxaan qiyaasayaa in waaxda carruurta aysan weligood la xiriirin hooyadey sababtoo ah markaas haweenka deegaanka u dhashay waxaa loo heystay in aysan nadiif ahayn una qalmin hooyonimada,” Jesse ayaa sidaas sheegay.

Jerry, Jesse iyo Josh oo ku sugan Cape Breton, 1980
Qoysaska kale ee deriskooda ah ayaa ka caga jiidi jiray in carruurtooda ay u oggolaadaan in ay la dheelaan wiilashaas, Jesse ayaana go’aansaday inuu iska dhigo Taliyaani isagoo aaminsanaa in ay nolosha u fududaan doonto.
“Waxaan inkiri jiray qofka aan ahay,” ayuu yiri. “Waxaan bilaabay inaan naco halka aan ka soo jeedo, iyo inaan naco nafteyda iyo hooyadey, sababtoo ah nalama joogin. Waxaan is dareensiiyay in ay na nacday.”
Markii uu iskuulka joogay, Jesse mar walba wuu dagaallami jiray, dib ayuu u dhacay sababo la xiriira natiijadiisa oo aan fiicneyn, weligiisna ma uusan baran sida wax loo akhriyo iyo xisaabta. Kaddib wuxuu ku biiray koox burcad ah oo iskuulka sare ka jirtay, kaddibna wuxuu la kulmi jiray dhibaato.
“Khamri ayaan cabi jirnay, waan caweyn jirnay, waxaana isticmaali jirnay daroogo, kaddibna waan la qabsaday,” ayuu yiri Jesse.
Kaddibna ayeeydiis iyo awowgiis ayaa guriga ka cayriyay.

Jesse dhibaatooyin badan oo xabsi uu ku mutay kaddib, waxaa dhacday in ayeydiis ay geeriyootay. Waxay is barteen gabar lagu magacabao Lucie oo Jesse siisay meel uu seexdo kaddibna way is fahmeen oo way is guursadeen.
“Waxay ila ahayd inaan ku guuleystay lottery – waxaan ahaa derbi jiif, ma garanayo waxa ay igu aragtay,” ayuu yiri Jesse, “balse markii qof uu ku jecel yahay uuna sidaa skugu aamino, waxaad iska rabtaa in aad naftaada u hurto.”
Arooska Jesse iyo Lucie, 2012
Lucie waxay Jesse ka caawisay inuu shaqo ka helo maqaayad. Labo sano iyo bar kaddibna way is guursadeen.
Jesse ayaa waxbarashada shahaadada koowaad ee taariikhda ka bilaabay Jaamacadda Toronto ee York University, isla sanadkii 2012, isagoo 35 sano jir ahaa.
Waxbarashadii jaamacadda ma aysan ahayn mid fudud, balse wuu dadaalay. Sannadkiisii labaad ee jaamacadda waxaa loo diray inuu soo baaro taariikhda qoyskiisa.
Jesse wuxuu wax ka qoray faraciisa Métis iyo iska caabintii sannadkii 1885 ay ku sameeyeen dowladda Canada, sababtoo ah waxay rumeysnaayeen in xuquuqdooda, dhulkoda iyo badbaadadoodaba ay halis ku jirto.
Qoraalkii Jesse waxaa loo gudbiyay bare, khabiir ku ahaa taariikhda dadka dalka loogu yimid, kaas oo isla amarkiiba Jesse u shaqaaleysiiyay kaaliyihiisa baaritaanka.
Jesse waxaa loo waday Saskatchewan, sannadkii 2013, si uu ula kulmo hooyadiis iyo habaryaryaahsiis. Markan wuxuu jiray 37 sano, waxay keliya ahayd markii afaraad ee uu hooyadiis arko.

Arooska Jesse iyo Lucie, 2012
Lucie waxay Jesse ka caawisay inuu shaqo ka helo maqaayad. Labo sano iyo bar kaddibna way is guursadeen.
Jesse ayaa waxbarashada shahaadada koowaad ee taariikhda ka bilaabay Jaamacadda Toronto ee York University, isla sanadkii 2012, isagoo 35 sano jir ahaa.
Waxbarashadii jaamacadda ma aysan ahayn mid fudud, balse wuu dadaalay. Sannadkiisii labaad ee jaamacadda waxaa loo diray inuu soo baaro taariikhda qoyskiisa.
Jesse wuxuu wax ka qoray faraciisa Métis iyo iska caabintii sannadkii 1885 ay ku sameeyeen dowladda Canada, sababtoo ah waxay rumeysnaayeen in xuquuqdooda, dhulkoda iyo badbaadadoodaba ay halis ku jirto.
Qoraalkii Jesse waxaa loo gudbiyay bare, khabiir ku ahaa taariikhda dadka dalka loogu yimid, kaas oo isla amarkiiba Jesse u shaqaaleysiiyay kaaliyihiisa baaritaanka.
Jesse waxaa loo waday Saskatchewan, sannadkii 2013, si uu ula kulmo hooyadiis iyo habaryaryaahsiis. Markan wuxuu jiray 37 sano, waxay keliya ahayd markii afaraad ee uu hooyadiis arko.