War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerarkaas oo ay ku tilmaanta dowladdu mid sharci darro ah.
Dhanka maamulka Jubalan, madaxweyne ku xigeenka koobaad, Maxamuud Sayid Aadan oo BBC Somali la hadlay wuxuu sheegay in “ciidamadooda weerarka lagu soo qaaday ka dibna ay iska caabiyeen”.
Saraakiisha hadda i soo wacday waxay ii sheegeen sida janaraal Cabaas oo kale inuu isaga isteeshinka joogo, iyo xarunta degmada, laakiin hadde magaaladu waa magaalo weyn oo daafaheedu ay weli xabbadaha ka dhacayaan,” ayuu hadalka ku daray.

“Waa wax la yaab leh, ciidankaas waa mid 11 sano Gedo difaaceeda ku jiray, dowladihii ku meel gaarka ahaa xilligii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf laga soo bilaabo, dowladdii Sheekh Shariif oo aniga oo xildhibaan ah aan wax ka dhisay, xeryo ciidamo ka soo baxay dowlado caalami ah naga kaalmeeyeen, ciidan qaran ah, marka hadde jabhadda ma kuwo indhaha loo soo duubay oo Shabaabka la aruuriyay oo nabad sugidda Xamar laga soo raray baa mise waa ciidankii dalka xoreeyay ee Soomaaliya u dhimanayay? Taas iyaga ayaa la weydiinayaa, Ilaahay ayayna ka furteen kuwa saa u hadlaya.”