i Wine oo ah musharraxa mucaaradka Uganda ayaa sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto kaddib doorashadii Khamistii ka dhacday dalkaas oo uu ku guuleystay Yoweri Museveni.
โWaxaan u cabsi qabaa nolosheyda iyo tan xaaskeygaโ ayuu yiri Bobi Wine.
Wuxuu BBC-da u sheegay in uusan aqbali doonin natiijada kasoo baxday guddiga doorashada.
Wuxuu intaas ku daray in aanan loo ogoleyn in uu isaga baxo gurigiisa oo ay ku hareereysan yihiin ciidamada amniga.
โCidna looma ogolo in gurigeyga ay soo gasho ama isaga baxdo- dhammaan weriyeyaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah waxaa loo diiday inay soo galaan gurigeygaโ
Xilliggii ololaha doorashada waxaa Uganda hareeyay qalalaase oo ay ku dhinteen tiro dad ah.
Madaxwaynaha xilka haya ayaa marka la eego dhanka codadka waxaa uu helay 5.85 milyan , halka musharaxa mucaaradka Bobi Wine uu helay 3.48 milyan oo cod.
Madaxwayne Museveni ayaa waxaa uu awoodda dalkaasi la wareegay sandkii 1986-dii, waxaa uuna isu arkaa in uu yahay nin dalkaasi ku soo dabaalay nabad kana badbaadiyay dhibaatooyiin badan.
Balse dadka dhaliila ayaa u arka in uu yahay nin intii uu xilka hayay mucaaradka ka soo horjeeda gacan bir ah ku qabtay .Article share tools
La wadaag qodobkan
- La wadaag