Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay Sheeko la xiriirta Muwaadiniinta uga dhimatay Qaraxii Ismiidaaminta loo adeegsaday ee Sabtidii 2-da Janaayo 2021 ka dhacay inta u dhaxeysa Xaawa Cabdi & Lafoole oo ka socoto shaqo lagu dhisayo Wadada isku xirta Muqdisho oo Banaadir ah & Afgooye oo Gobolka Shabeelaha Hoose ah.
Qaraxaas waxaa ku dhintay kuna dhaawacmay Askar Soomaali ah & Injineero Turki ah, waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer oo uu ku booqday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, balse Maydka labada Injineer & kuwa dhaawacmay ee Turkida ah ayaa dib loogu celiyay dalkooda sida ay shaacisay Warbaahinta Dalkaas.
“Waxa aan la shaqeynayay Wiilkeyga Salami Omar Aydogo oo ku dhintay Qaraxa, aniga qudheyda waan ku dhaawacmay, waa Musiibo weyn oo reerka soo gaartay, waxaana la dhintay Erdinc Ceng” Sidaasi waxaa yiri Aydogo oo ah Injineer ku dhaawacmay qaraxa ismiidaaminta sabtidii ka dhacay Shabeelaha Hoose.
Melek Genc waxa ay ku waysay Ninkeeda oo 44-sano jir ah oo ifka oga tagay saddex carruur ah, waxaana ay sheegtay in uu kamid ahaa howlwadeenada Turkiga ee Soomaaliya jooga, waliba kuwa ka shaqeynaya dhismaha Wadada isku xirta Muqdisho & Afgooye oo Mashruuca ku baxaya ay bixineyso Dowladda Qadar.
Salami Omar Aydogo waxa uu ahaa 22-sano jir guursaday 6-bilood kahor, waxa uu lahaa mustaqbal ifaaya, waxaana dhaawac soo gaaray laga daweynayaa Aabihiis oo la shaqeynayay, balse xaaladdiisu ay sheegeen dhaqaatiirta in ay kasoo wanaagsanaaneyso sida uu ahaa Maalin kahor.
“Markii aan heli waayay Telefoonkiisa oo aan sidaas ku waayay xiriirkiisa waxa aan daartay Teleefishinka waxaana laga baahiyay in uu dhacay weerar Argagixiso waliba meeshii uu shaqeynayay, waxaana durba ogaaday in qarax uu ka dhacay meeshii ay ka shaqeynayay ilaa markii dambe aan xog ku helay in dhaawacyada la geeyay isbitaal, balse ugu dambeyn wuu u dhintay 44-sano jirkaan waxyeelada gaartay” Sidaasi waxaa Anadolu u sheegtay Melek Genc.
Yavuz Erkan waxa uu kamid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxa, waxa uu Xaaladiisa ku tilmaamay in ay soo hagaageyso, waxaana uu sheegay in ay jiraan dad dhaawacyo halis ah soo gaaray sida uu u sheegay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu Agency, waxa ay sidoo kale Wareysatay bukaanno & ehelladooda si ay uga xog hesho sida qaraxa uu dhacay, maadaama qaraxa uu ka dhacay meel fogaan ahaan u jirta Saldhigga Turkiga 15 KM.