Khasaare ka dhashay weerar caawa ka dhacay Muqdisho+Meydka Askari ka tirsan Ciidanka Somalia oo la dilay oo la soo dhigay Suuqa

0

Warar hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar la sheegay inuu fuliyey nin ku hubeysnaa Bamo gacmeed oo caawa ka dhacay fariisin ay askar ka tirsan booliska Soomaaliya ku leeyihiin suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, waxaana la sheegay in la toogtay ninkii fuliyey.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa toogtay ninkaas oo la aaminsanyahay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii uu bambada nooca gaanta laga tuuro ku weeraray goob ay ku sugnaayeen.

Ilaa laba qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka uu fuliyey ninkaas oo markii dambe la dilay.

Ciidamada ayaa rasaas furay markii lagu weerar bam gacmeedka, balse dad ku sugnaa goobta ayaa sheegay in ninka oo baxsad ah ay mar dambe toogteen dhalinyaro dharcad ah oo ku sugnaa agagaarka isgoyska Howlwadaag.

Meydka Askari ka tirsan Ciidanka Somalia oo la soo dhigay Suuqa

Meydka askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada DF ayaa la sheegay in la soo dhigay xaafad ka tirsan degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, meel aan wax badan ka fogeyn isgoyska Sanca.

Askarigan ayaa waxaa meydkiia ka muuqday dhaawacyo rasaaseed oo dilkiisa loo adeegsaday sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Inkastoo aan xog sax ah laga heynin cida geysatay dilka askarigan haddana wararka qaar ayaa sheegaya iney maalmo laga soo wacay xafiiska garsoorka Al-Shabaab, laguna wargeliyey inuu yimaado degaan ka tirsan Sh/hoose, si uu uga jawaabo dacwado loo heystay.

Askariga ayaa la sheegay inuu diiday tegitaanka goobta loogu yeeray, isagoo sheegay inuu isku amini karin Al-shabaab, maadaama uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowlada.

Dad uu muran kala dhexeeyey askarigan ayaa la sheegay iney ku dacweeyeen maxkamada Al-Shabaab, Lamana oga inuu xiriir ka dhexeeyey dilka askariga iyo diidmada uu ka muujiyey amarka Al-Shabaab.