Deg Deg, Labo Caruura oo dab ku shiday miino kuna dhintay iyo dhibaatooyinka haysta dadka xeebta udoogsinka yimid kana soo cararya abarta bilaabantay
Deg Deg, Walii Aafadii Miinooyinku way taagan tahey mid dhulka dushiisa taala iyo mid aasanba oo daadadka iyo dabayluhu ay debada keenaan,
Shalay maqribkii degaanka GEERI GO<AN oo ku dhow kaantaroolka galebeed ee magaalada berbera looga baxo jidka hargeysa waxaa miino dhulka dusheeda taalay gar garaaacay oo markii danbana dab ku shiday labo wiil oo yar yar oo walaalo ah, wiilshan ya yar r ayaa kamid ahaa qoys usoo doogsi tagey xeebta kana soo cararay abaarta hada uun ka bilaabantay hawdka sare ee Somaliland
Oday Cabdi faarax oo kamida ehelada qoyska labadaa wiil kaga dhinteen miinadaasi ayaa yidhi,
Waa nasiib daro in bambooyinkii iyo miinooyinkii hadhaaga ahaa wali meelaha qaarkood aay sii yaalaan kuwaaas oo halis keena sababta geeri iyo khasaare kaleba,
Labadan wiil caruur ayay ahaayeen magacyadoodu waxay kala ahaayeen Shaafici Cabdi jaamac iyo Subeer cabdi jaamac oo da,doona waxya kala ahaayeen 3jir iyo 7 jir  miinadana dab ayay ku shideen sidaas ayaanay ugu qaraxday, xataa jidhkoodii way goo gooysay, waa geeri naxadin leh oo qoyskaasi ku dhacday iyo anaga dhamaantayoba, illahayna Samir iyo iiiimaaan ha inaga siiyo,
Dabcana waxaa iyagana qoys kale oo ka mida dadkaa abaarta ka yimid ee xeebta iyo buuralayda degmada sheik nolasha usoo doontay helay in wiil yar oo xoolo loo diray ka dhacay am aka shalwaday buur halkaan uu ku dhintay sadex casho kadibna la helay maydkisii,
Hadaba bulsho aad u badan oo reer guuraa aha ayaa bilihii udanbeeyay siwayn ugasoo cararyay abaarta madaxeedii bilwday eek a taaagan degaanno badan oo soomaaliland ah waxaanay xiligan ay yimaadeen degaamada xeebta oo roobabku ku danbeeyeen barwaaqana ah inkastoo xooluhu ay haystaan baad biyana anay wayaynin waxaa hadana dhibaato kala duwan la kulmay dadkii oo aan xeebta tabaheeda nolaleed waxba ka aqoonin oo ay u raacdo baahiyo kale oo ay kamid yihiin raashin la aan iyo sidii ay uheli lahayeen biyo nadiifa, xataa arimo cafimaad ayaa jira oo dadka intooda badani kaneeco iyo hargab qufaca ayay ka cabanayaan,