QALINKII; Siyaasi Aqoonyahan Muxamed Dhimbiil, Xaalku waa sidee Safarka Madaxwayne biixi jabuuti iyo qoraalka madaxa shirkada dp world oo cirka geeyay qiimaha marinka dekada berbera

0

Tartankii Dekedaha Geeska Africa Iyo Hadalo Saameyntooda Leh Oo Dp World ka soo Baxay”Aqoonyahan Maxamed Dhimbiil.

Safarka Madaxwaynaha Somaliland ku tagey dalka Djibouti iyo dareenada ku xeeran ayaa ah qaar aan Nuxurka guud ee ay xambaarsan yihiin wali si dhab ah loo garan,  Madaxwaynaha Somaliland waxa uu Safaradii hore ee uu ku tagey Djibouti uu booqday maalgalin uu sameeyey dalka Turkey oo Djibouti Loogu sameeyey biyo xidheen weyn oo loogu talo galay in Caasimada Djibouti lagaga xidho daadkii qaadi Jirey marwalba,  markii dambena lagu fekeray in mashaariic beeraha lagu fuliyo oo waaweyn.

Waxa uu sidoo kale booqday xiligaasi hore dekedaha Djibouti qaar ka mid ah oo uu China maalgaliyey Iyo mashruucii xadhiga badda ee internetka bariga Africa oo dhan ay Djibouti ugu talogalashay oo aad loogu soo sharaxay nooca uu yahay iyo qorsheyaasha Djibouti ee mustaqbalka ay ka lahayd.

Safarkii Madaxwayne Muuse Biixi uu ku joogo hada Djibouti ayaa waxa uu booqday dekedo cusub oo Dawlada Djibouti loo maal galiyey,  iyada oo dhawaan uun mar wax laga weydiiyey Madaxwayne Geelle Mashaariicda shirkada Dp world ka wado Berbera, Somaliland uu dhaliilay oo uu ku sheegay in aanay Wax wanaagsan halkaasi ka sameyn doonin .

Haddaba maanta ayaa waxa laba qoraal oo uu Somaliland mid ka mid ah ku sheegay wadamada maamul wanaaga Africa in ay yihiin Rwanda,  Senegal , Egypt , Angola iyo Somaliland madaxa shirkada Dp World Suleyman Axmed Binu Suleyman wareysi uu siiyey televisionka Al-Arabia sida uu ku qoray bartiisa Twitter ka .

Waxa uu Hadana mar kale ku baahiyey bartiisa Twitterka in uu Ku faraxsan yahay qorshaha mustaqbalka Ee uu kala Shaqeynayo Madaxwaynaha Somaliland iyo Senegal in Somaliland ay noqonayso Xarunta Marinka laga quudiyo ( Logistics hub ) iyo Albaabka laga galo ( gateway) bariga Africa Halka Senegal na ay noqonayso Galbeedka Africa .

Shirkada UAE ee Dekeduhu ( DP WORLD ) maxaa u baxay xili uu Madaxwaynaha Somaliland ku sugan yahay dalka Djibouti oo ay Is hayaan dawlada UAE isla markaana ay dacwad iskula jiraan Dp World oo Djibouti hore uga sameysay maalgalinta dekedaha Iyo dawlada Djibouti oo heshiiskii Dp world ka baxday Sheegtayna in uu ahaa dulmi iyo mid aan cadaalad aheyn ?

Eedayntii Madaxwaynaha Djibouti ee shirkada Dp world Maalgalinteeda Somaliland iyo safarka kadiska Ah ee Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland ku tagey xidhiidh ma Yeelan karaan marka aad aragto Hadalka xiligan ka soo baxay Maamulaha guud ee shirkada dekedaha imaaraatka ee Dp World ?

Maadaama oo ay aduunayadu tartan iyo dano tahay dhab ma Tahay in UAE ay Somaliland kala Shaqeynayso albaabka Africa Laga galo iyo dhuunta ugu weyn ee ay Bariga Africa wax uga Yimaadaan Kuna xidha caalamka intiisa kale , iyada oo ay waliba Somaliland ku taalo meesha ugu haboon ?

Iyada oo waliba lagu jiro xili aduunkii dal waliba danihiisa ka Shaqeynayo oo la is-kala baxay xayndaabkii Shuruucda Ururka Jaamacada Carabta , urur goboleedyada , ururada qaaradaha Iyo ururada caalamiga Marka aad qaabka ay u socoto Diblomasiyadu 15 sanadood ee ugu dambeeyey ee aad qaarad Walba Eegto, iyo isku eriga danaha ee loogu loolamayo qaarada dihin ee Africa .

Waxa aynu la soconaa in caqabado badan la qaaday oo qaar ka mid ah dawladaha carbeed iyo Israel uu Dhex maray heshiis diblomasiyadeed dib uu bilaabay xidhiidhadii ganacsi isu socod wax wada qabsi ee Dalalkaasi ka dhaxayn jiray,  sidoo kale qaarada Europe iyo guud ahaan caalamku isu badelayo Isxulafaysiyo cusub .

Arimahani dhamaantood waxa ay ku soo beegmayaan xili aduunka oo dhami ku sugan yahay Marinbiyoodka badacas oo ah marinada aduunka ugu muhiimsan,  sidoo kale qaarada Africa tartan Loogu soo jiro ganacsi iyo mid aragti siyaasadeed iyo mabaa’dii wata oo aad moodo in aduunkii ku Tartamayo dalal urursi iyo dano raadin meeshii ay la gashoba.

Somaliland iyo dawladeedu intee in leeg ayey ku baraarugsan yihiin halka la isla marayo,  sidee se ay uga faaiideysan doonaan fursadaha  muhiimka ah ee dul-hoganaya xiligan?

QALINKII; Siyaasi Aqoonyahan  Muxamed Dhimbiil.