Maxkamadda caddaaladda reer Yurub ayaa dowladda Belgium ku ayidday go’aan ay ku mamnuucday in Muslimiinta iyo Yuhuudda aysan gowrici karin xoolaha iyaga oo aan la suuxin.
Maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay dalabka ururrada Muslimiinta iyo kuwa Yuhuudda ee ka soo horjeesaday arrintaasi.
Maxkamaddan ugu sarreysa Midowga Yurub ayaa taageertay go’aanka dowladda Belgium ee ahaa in loo baahan yahay in la suuxiyo xoolaha ka hor inta aan la gowricin si loo dhawro xuquuqdooda.
Madaxa golaha wadaadada Yuhuudda ayaa sheegay in go’aankaasi uu dhibaato ku yahay Yuhuudda ku nool guud ahaan qaaradda Yurub.