Dowladda Soomaaliya oo gabi ahaanba Kenya u jartay xiriirkeeda diblomaasiyadeed

0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe

Dowladda fedaraalka ee Soomaaliya ayaa gabi ahaanba u jartay xiriirkii dublamaasiyadeed ee ay al laheyd dalka Kenya.

War xalay saqdii dhexe ka soo baxay xukuumadda Fedaraalka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu amray dublamaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya in ay dalka uga baxaan muddo 7 maalmood gudahood ah halka kuwa soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu so laabtaan.

Wasiirka warfaafinta dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay xiriirka u jareen.

“Dowladda Soomaaliya iyaadoo ka duuleeysa madax-banaanideeda qaran ee uu dammaanad qaadaya xeerka iyo qeynuunka caalamiga ah, gudaneysana waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran ilaalinta qaranimada, midnimada iyo xasiloonida ka saaran dalka, waxay go’aansantay iney xiriirka diblomaasiyadeed u jarto dowladda Kenya.”