Abiy Ahmed oo booqday caasimadda Tigrayga ee Mekelle
Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa booqday magaalada xarunta u ah ismaamulka Tigrey ee Mekelle markii ugu horeysay tan iyo markii ay ciidamada federalka Ethiopia qabsadeen 29kii bishii aynu ka soo gudubnay.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu Abiy Ahmed ku sheegay in uu kula kulmay Mekelle taliyaasha ciidamada milatariga iyo maamulka cusub ee gobolka Tigrey dhowaan ay u sameysay dowlada Ethiopia.
Abiy Ahmed Ali @AbiyAhmedAliWent to Mekelle and met with commanders of the ENDF as well as the Provisional Administration of Tigray. Telecom & electricity currently being restored after repairs; infrastructure works underway & humanitarian relief provided. We will continue apprehending the criminal clique.
Biyihii iyo korontadii dib ayay ugu soo laabteen Mekelle,ciidamaduna waxa ay ku raadjoogaan madaxdii jabhadii TPLF.”ayuu qoraalkiisa ku sheegay Abiy Ahmed.
Booqashada Abiy ee magaalada Mekelle aya ku soo beegantay xilli uu caasimada dalka Ethiopia uu gaaray ra’iisul wasaaraha Abdalla Hamdok isagoo doonayay inuu heshiis xabad joojin ah dhex dhigo dowlada Ethiopia iyo ururka TPLF, hase yeeshee dowladda Ethiopia ayaa ku gacan seyrtey iyadoo sheegtay inuusan jirin dagaal socda loona baahneyn xabad joojin.