Shiinaha ayaa 630 ka mid ah muwaadiniintiisa ka daad gureeyay gobolka ay colaaduhu saameeyeen ee Itoobiya ee waqooyiga gobolka Tigray kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay bilaabeen duqeymo dhanka cirka ah, Guancha, sida lagu daabacay oo bogga caan ah oo dowladda taageera.
Qaraxyadu waxay ku dhufteen goobo ay degan yihiin dad rayid ah iyo sidoo kale burburinta goobo ahaa kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jirtay warshad sonkor ah oo Shiinuhu maal-galiyo, ayay warbixintu tiri, iyadoo intaas ku dartay inaysan jirin cid wax gaadheen.
Toddobaadkan dhammaadkiisii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray gulufkii socday muddada billaha ah, isagoo sheegay in duqeymaha cirka aysan bartilmaameedsan doonin goobaha rayidka
Hogaamiyaasha gobolada Tigray, oo Mr Abiy ku eedeynayo khiyaano qaran, ayaa sheegay in dagaalku wali soconayo inkasta oo uu sheeganayo guul dhankiisa.
Waxaa jira mashaariic dhowr ah oo Shiinuhu ka maal-galiyo gudaha Itoobiya iyadoo qaar badan oo Shiine ah ay ka shaqeeyaan goobaha warshadaha ee Tigray.
Colaadda Tigray ayaa ku soo beegantay iyadoo la jaray isgaarsiintii internetka iyo taleefannada gacanta. Waxay sidoo kale horseedday yaraanshaha sahayda aasaasiga ah ee suuqa maxalliga ah.
Safaaradda Shiinaha ee Itoobiya ayaa go’aansatay inay muwaadiniinteeda kala baxdo Tigray, iyadoo sheegtay inay ka walaacsan tahay wanaagooda.
Waxaa loo qaaday goobaha nabdoon ee dalka, sida ay ku warrantay warbaahinta Shiinaha.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, Itoobiya waxay ahayd mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan Shiinaha ee himiladeeda ay ugu magacdareen Belt iyo Road Initiative – oo ah mashruuc balaayiin doorlar ku kacaya oo ka kooban dhisidda waddooyin, tareenno iyo dekedo.
Boqollaal qof ayaa ku dhintay kumannaan kalena way ku barakaceen dagaalka
Isbitaalka weyn ee caasimadda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya waxaa gabaabsi ku ah dawada, xilli lagu dabiibayo dadkii ku soo dhaawacmay dagaalka magaalada ka socda, sida ay sheegtay hay`adda Laanqeyrta Cas.
Sabtidii, Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamada federaalka ay la wareegeen magaalada.
Wuxuu ku tilmaamay inuu yahay “wejigii ugu dambeeyay” ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah oo ay ciidamada federaalka la galeen kuwa gobolka Tigray.
Balse hoggaamiyaha TPLF ayaa wacad ku maray inay dagaallami doonaan, sida laga xigtay wakaaladda wararka Reuters.
Faahfaahin yar ayaa ka soo baxaysay Tigray intii uu socday dagaalka iyadoo la jaray isgaarsiinta.
Maxay sheegtay Laanqeyrta Cas?
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in ambalaasyada guddiga ee Itoobiya ay “dhaawac iyo meydad” u qaadeen Isbitaalka Ayder.
Booqasho ay ku tageen isbitaalka, shaqaalaha ICRC ayaa ka war helay in “80% bukaannada ay qabaan dhaawacyo maskaxeed, iyagoo intaas ku daray in adeegyadii kale la hakiyay si shaqaalaha yar ee isbitaalka ku sugan ay wax ugu qabtaan dadka u baahan gargaarka degdegga ah.
“Isbitaalka waxaa aad gabaabsi ugu ah dawooyinka sida qallajiyeyaasha, xanuun baabi`iyeyaasha iyo xitaa gacmo-gashiga,” ayay tiri madaxa ICRC ee Itoobiya Maria Soledad.
ICRC Africa@ICRC_Africa·Nov 29, 2020Replying to @ICRC_AfricaYesterday we visited Ayder Referral Hospital, which is running dangerously low on medical supplies to care for the wounded. Approximately 80% of patients were trauma injuries.ICRC Africa@ICRC_AfricaThe situation in Mekelle today is quiet and we hope that we will be able to get urgently needed assistance into the city soon. Red Cross ambulances have thus far been able to move around and transport injured and deceased.