Saddex habeen ka hor, waxaa magaaladda Muqdisho lagu diley Sahra Cismaan Hire, oo ahayd hooyo leh uur 8 bil ah.
Dilka hooyo Sahra ayaa waxaa lagu eedeeyey ninkeeda oo ka tirsan ciidamada Ilaalada ka ah madaxtooyada Soomaaliya.
Ninka dilka geystey ayaa la sheegay in muran dhex-maray isaga xaaskiisa uu keenay inuu xabad ku dhufto.
Haddaba, Cabdirisaaq Aadan Faarax (Suuufi) oo adeer u ahaa Sahra Cismaan, ayaa asagoo ku sugan magaalada Kismaayo VOA u sheegay inay dowladda ka codsanayaan inay askarigaas qabtaan oo ay xiraan.