Magafeyaal” BBC uga warramay ganacsigaas khatarta badan

0

Si ay uga baxsadaan colaadda iyo saboolnimada ka taagan Afghanistan, ayaa kumannaan rag ah waxay u tahriibaan Yurub iyagoo ku bixiya lacago badan si ay halkaa u gaaraan. BBC-da ayaa waraysatay kooxaha dadka tahriibiya ee magafeyaasha loo yaqaan, tahriibayaasha iyo qoysaskooda.

Ka hor inta aanu fuulin doonta, Shaficullah ayaa qoyskiisa oo ku sugan Afghanistan u sheegay inuu caafimaad qabo, kuna wajahan yahay Yurub. Markaas ayaana ugu war dambeysay.

Doonta uu raacay oo ay la saarnaayeen 32 Afghanistaaniyiin ah, 7 Pakistan u dhashay iyo qof Iiraani ah ayaa bishii June ku degtay harada Van ee Turkiga, dad badan ayaana weli lagu la’ yahay shilkaas.

Saraakiisha Turkiga ayaa BBC u sheegay in meydadka qaar ay 100m oo gunta xeebta ah yaali karaan, taasoo ay adagtahay in la soo saaro.

Ugu yaraan afar qof oo doontaas ku qaraqmay uuna kamid yahay Shaficullah ayaa waxaa mukhalas u ahaa nin oggolaaday inuu u warramo BBC qeybta Afghanistan, balse shardi ka dhigay in la qariyo heybtiisa.

‘Ilham Nuur’ ayaa ka warramay ganacsigiisa sharci darrada ah, iyo waxa uu dareemo marka dadka uu tahriibiyo ay ku dhintaan safarkaas khatarta ah.

Shaficullah ayaa lacag ku siiyay Ilham si uu u gaarsiiyo Yurub

BBC-da ayaa weydiisay Ilham inuu ka qoomameeyo dadka ku qaraqma badda, ama uu dareemo inuu mas’uul ka yahay geeridooda.

“Xanuun ayaan dareemaa marka ay qoysaska i weydii war iyo wacaal waxa aaan ka hayno dadkooda. Lama kamid ah meydadkooda ayaa laga helay doonta degtay, halka laba kale la la’ yahay,” ayuu yiri ninkaas.

Inkastoo uu murugo ka muujiyay geerida raggaas, haddana ma uusan oggolaan inuu mas’uul ka yahay geeridooda.

“Marar badan ayaa raali-gelin siiyay qoysaska. Waxa ay ogyihiin inaan u qasdin arinkaas. Inta aysan safarka billaabin ayaan u sheegay in waxkasta ay dhici karaan.”

Dembi abaabulan

Ilham ayaa kamid ah mukhalasiin badan oo si shaac-baxsan uga shaqeysta caasimadda Kabul. Waxa uu sheegay inuu si guul ah dad badan ugu diray Talyaaniga, Faransiiska iyo UK maadama uu xiriir wanaagsan la leeyahay burcad kale.

“Tahriibintu ma aha wax qof qura uu sameeyo ee waa shabakad ballaaran oo isku xiran. Ma raaco muhaajiriinta ee telefoonka ayaan ku hagaa,” ayuu yiri.

Suuq la’aan ma hayso Ilham iyadoo Afghanistaaniyiin badan ay ka cararayaan waddankooda. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 2.7 milyan Afghanistaaniyiin ah ay qaxooti ahaan ugu nool yihiin qurbaha. Waxaa ka qaxooti badan Suuriya iyo Venezuela oo keliya.

Balse tiro kooban oo muhaajiriin ah ayaa safarkooda koobaad ku gaara Yurub, halka qaar badan dhaxda lagu waayo.

‘Waxaan rabnaa inaan aragno meydkiisa’

Sher Afzal oo adeer u ah Shaficullah ayaa sheegay inay ogaayeen khatarta safarka balse aanay fileyn in sidaa ay wax u dhici doonaan.

“Hadda waxaan rabnaa inaan aragno meydkiisa. Ma fileyno inuu noolyahay,” ayuu yiri Afzal.

Aabaha dhalay mukhalas Ilham oo ay wehliyaan odayaal ayaa booqday guriga Shaficullah si ay ugu soo tacsiyeeyaan.

Shaficullah ayaa safarkiisa billaabay bishii June si uu noolal wanaagsan uga helo waddamada galbeedka, ugana baxo qaxarka ka taagan magaalada Jalalabad.

Waxa uu la xiriiray Ilham oo uu u hormariyay 1000 dollar si uu u geeyo Talyaaniga. Waxa uu ka gudbay Iran isagoo gaaray Turkiga. 26-kii June ayuu telefoon ciddiisa uga soo diray harada Van, markaa ayaana ugu war dambeysay.

Dooni bishii December 2019 ku degtay harada Van ee Turkiga

Ilham ayaa lacagta u celiyay qoyska Shaficullah, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen eheladiisa.

Ganacsi lacag badan

Ilham ayaa sheegay in ay ku adag tahay inuu ka baxo ganacsiga tahriibinta, maadaama uu sanado badan ku jiray, dhaqaalo badanna ka sameeyay.

“Waxaan dadka ku geynaa Turkiga 1,00 dollar, halka Turkiga iyo Serbia ayaan ka qaadno 4,000 oo dollar. Waddankaas illaa Talyaaniga waxaan ku geynaa 3,500 dollar, marka wadarta lacagtaas waa 8,500 dollar,” ayuu yiri Ilham oo qofkii si nabad ah ku gaara Talyaaniga ka hela faa’iido u dhexaysa 3,000 illaa 3,500 oo dollar.

Hawsha uu qabto ayuu ku sheegay inuu telefoonka ku wada xiriiriyo kooxaha dadka safriya, lacagtooda u shubo, mararka qaarna uu laaluush siiyo saraakiisha Afghanistan.

Lama uu kulmo dadka uusan aqoon ama aan ahayn qaraabadiisa. Sumcaddiisa ayaana ah waxa ugu weyn ee uu ku soo jiito macaamiisha.

Safarka

Mukhalaska ayaa qiray in muhaajiriinta ay wajahaan khatar badan, gaar ahaan maadaama aysan haysan warqadaha safarka. Maalintii guryo ayaa lagu qariyaa, halka safarkoodana uu yahay habeenkii.

Muhaajiriinta ayaa lagula taliyaa in aanay qaadan waxyaabaha qaaliga ah sida dahabka iyo saacadaha maadaama ay uso jiidi karaan indhaha tuugada. Ilham ayaa dadka uu tahriibinayo u sheega in aysan qaadan lacag kaash ah oo ka badan 100 dollar.

“Mas’uuliyad igama saarna haddii ay qabtaan booliska, balse madax furasho ayaan ka bixinaa haddii ay afduubtaan mintidiinta ama kooxaha hubaysan si loo sii daayo,” ayuu yiri Ilham.

Iyadoo la eegayo heerka ay gaarsiisan tahay roondada booliska, ayaa safarka Turkiga waxa uu qaadan karaa todobaad illaa laba bilood. Dalkaas ayaa marin u ah Afghaanistaaniyiinta doonaya inay gaaraan Yurub.

Ka baxsashada Taliban

Muhaajiriinta gaaray Istanbul ee ku wajahan waddamada Galbeedka waxaa kamid ah Hazrat Shah oo ka tirsanaa ciidamada Afghanistan.

Askarigan ayaa ciidamada ka goostay markii ay tuuladiisa qabsadeen Taliban, isagoo ka baqay in qoyskiisa la beegsado.

Waxa uu safarkiisa ka billaabay horraantii sanadkan Nangarhar oo ah bariga Afghanistan, waxaana uu BBC u sheegay inuu hiigsanayo Talyaaniga.

Marinka bariga Mediterranean ayaa muhaajiriinta Afghanistan waxa ay ka gudbaan badda kala qeybisa Turkiga iyo Giriigga.

Hay’adda xuduudaha Yurub ayaa sheegtay in qiyaastii 14,000 oo muhaajiriin ah ay sideedii bilood ee sanadkan u horreeyay ay ka soo gudbeen marinkaas, 25% dadkaas ahna ay yihiin Afghaanistaaniyiin.