Maareeyaha Hayada Dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa saaka Xafiiskiisa Ku Martiqaaday Safiirka Taiwan Ee JSl,maareeye siciid ayan barta uu ku leeyahay facebook soo dhigay qoraal muhiima oo tibaaxay waxay saaka kawada hadleen safiirka taiwan u jooga ama u fadhiya caasimada jamhuuriyada somaliland ee hareysa,
Waxaannu Saaka Kulan muhiim ah ku wada qaadanay Gudaha Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, Safiirka Taiwan uu Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Mr Allen C. Lou iyo Wefti u hoggaaminayay. Kulanka oo aannu kaga wada-hadalnay bilawga Xidhiidh Iskaashi oo dhinaca Dekedaha Taiwan iyo Dekedaha JSL ah, Sidoo kale, Waxaannu ka wada-hadalnay, Sidii Shirkadaha ka Shaqeeya Hawlaha Maraakiibta ee Fadhigoodu yahay Dalka Taiwan ay u isticmaali lahaayeen Dekedda Berbera.
dabcana sida la ogyahaey maraakiibta waaweyn ee koonteerada xambaaara ee yimaad dekada berbera qaarkood waxaa laeh shirkado dalka taiwan ah, kuwaasoo tobankii sano ee u danbeeyay xidhiidh la lahaa dekada berbera,
kulankan ayaan albaabad usii firi doona xidhiidhka dekada berbera iyo sharaaiga maraakiibta ee dalka taiwan,