M/weyne Muuse Biixi oo Wareegto ku shaaciyey Maalinta la bilaabayo Diiwangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XM/249-574/112020, uu ku dhaqan-geliyey maalinta la bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka.Waxaanu u dhignayd Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-Xeer Madaxweyne Lr. 09/112020Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaashaMarkaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 91/2020;Markaan Tix-geliyey:

Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/076/2020, kuna taariikhaysan 28/10/2020;Markaan Dersay: Soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Wakhtiga Qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha;Waxaan Go’aamiyey;In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinku ka bilaabanto Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 29/11/2020.ALLAA MAHAD LEHMuuse Biixi CabdiMadaxweynaha JSL.