Madaxii Shirkada Jayga samaeysa ee SCC maxamed saxardiid ayaa xabsiga la dhiay galabta shantii,
Muran xisaabeed soo jiitamayay bilihii u danbeeyay oo dhexmaray madaxa shirkada jayga sameysa ee SCC maxamed saxardiid iyo shirkada caalamiga ah ee dhisaysa dekada cusub ee berbera Shifa wanahdda aya sababay xadhiga mulkiilahan ,
wararka laga helayo illo ku dhow dhow mulkiilaha shirkadan SCC ayaa sheegaya in dhex dhexaadin iyo xal wiigi  hore labada dhinac isla gaadheen laysku  afgaran waayay saaka oo balantu aheyd in wixii xisaab lacageed laysku qirtay lakala qaato, dhanka kalena labo cagaf oo shirkadu laheyd maamulka dawlada ee gobolka saaxil  gacanta kusii hayo inta xisaabta lagu muransanyahey laysla meel dhigayo,

xubin kamida ergada mulkiilaha shirkadan SCC oo ka gabsadey in magaciisa la xuso ayaa warbaahinta u sheegay in ganacsadahan oo dalka kazoo maalgashadey dibada hantidiisiina soo gashadey karsharkan dhagaxa burburiya aanu u  helin cadaalad muranka ka dhex abuurmay shirkadaa caalmiga ah ee uu u shaqeynayay Shifa Allnahda,
sidoo kalena wuxuu xusay in mulkiile maxamaed saxardiid marey dhamaan hay,adihii sharciga u lahaa  iyo maamulada xaqa u lahaa in dacwadooda la aadhsiiyo , si uu xaqiisa uga helo shirkadan, sida maamulka gobolka saaxil iyo ka degmada, wasiirada maaliyada iyo ganacsiga,xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland ,waxaase dhacdey ayuu yidhi ninkan u hadlayay shirkada SCC in hay,adihii ku shuqul lahaa ee uu dacwada u gaystay waxba ka qaban waayeen cabashadiisii,marka laga reebo ayuu yidhi  xeer ilaliyaha guud oo amrey xayiraadii la saaro inta dacwadu ku socoto madaxda sare ee shifa allnahda si aaney dalka ua bixin,,inkastoo aaney sideedii u fulin
dhankalena iyadoo aaney dhamaan heshiiskii ay wada galeen ee iibka jayga waxaa ka baxday shirkada shifa wanahda ee dhisaysa dekada cusub ayuu yidhi ninkan kamida erada madax shirkada SCC,waxaaanu intaa ku darey in dhibka ku dhacey mulkiilahan dalka soo maalgashadey ee maxamed saxardiid hada shaqaalihii u shaqeeynay ay labo bilood wax mushahara aanay qaadan shaqadiina iska taagtey maadaama shirkada shifa wanahda jaygii ka iibsanayo shirkado  Ajanabi ah oo carbeed oo karasharo ka sameystey degaanka berbera,
ugu danbayntii wuxuu sheegay ninkan u hadlaayay mulkiilaha xidhan ee maxamed saxardiid in shqaalahii u shaqeynayay shirkadan jayga ee SCCÂ aaney qaadan wax mushahar ah 4 bilood ee u danbeeyay,