Ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah ayey dowladda Mareykanka qorshanaysaa in maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ee foodda inagu soo haya ay ka musaaafuriso dalka Mareykanka oo ay dib ugu celiso waddanka Soomaaliya.
Arrintaas waxaa qoysaska dadka la musaafurinayo u xaqiijiyay qareennada u doodaya dadkaas xabsiyada ku jira, kuwaas oo qaarkood dambiyo kala duwan lagu helay halka ay jiraan kuwo dambi aanan gelin, hasayeeshee loo diiday in qaxootinimo loo qaabilo amaba daganaansho dalka laga siiyo.
Hooyo magaceeda ku soo koobtay Maryama oo ka mid ah dadka caruurtooda loo musaafurinayo Soomaaliya ayaa sheegtay in arrintan ay aad uga murugeysan yihiin.
Waxay sheegtay in wiilkeeda oo dhowr labaatan jir ah aysan jirin wax dambi ah oo uu galay islamarkana aysan aqoon sababta loo musaafurinayo.
“Wiilkeygu dad ma dilin , dad ma dhicin, guri ma xadin,darooga ma cunin, wiilkayga dambiga Mareykanka looga kaxeeyanayo anagu waan garan waaynay,” ayay tiri hooyo Maryan.
Hooyo Maryamo ayaa xustay in wiilkeeda qareen badan ay u qabatay, balse mar walba kiiska looga guuleysto.
Waxay xustay in ay ka sii murugeysan tahay caruurta ay Ayeeyada u tahay ee aabahood la musaafurinayo.
“Anagana waan rafaadnay,qareenno badan ayaan u qabanay , in badan ayaan looyaro u raadinay, midkaan u tagnaba waa lagaga guuleystay kiiska, aad iyo aad baan u rafaadnay, waxaan aad iyo aad uga xumahay caruurtiisa yaryar iyo aabahood oo la kala kaxeynayo,waa caruur aad u yaryar, waa 4 jir, labo jir iyo wax aan sanad gaarin”, ayay tir hooyo Maryan.
Maryan ayaa farta ku fiiqday in wiilkeeda uusna Somaaliya waxba ka aqoon islamarkana uusan jirin wax ehel ah oo uga horeeya.
“Xaggaas wax dad ah uma joogo, qoyskiisa halkan ayuu wada joogaa hooyo haday tahay, aabo haduu yahay, wax dad ah oo ka sii horeeya ma laha,” ayay tiri Hooyo Maryan oo ay murugo ka muuqatay.
Soomaalida Mareykanka maxay tarxiilka ku muteystaan?
Hay’adda lagu magacaabo Cair waa hay’ad u doodda xuquuqda Muslimiinta Mareykanka qeybta minnesota waxayna walaac ka muujisay dadkan Soomaalida ah ee laga musaafurinayo dalka Mareykanka.
Madaxa hay’adaasi Jeylaan Xuseen ayaa BBC u sheegay in dadkani loo haysto waxyaabo kala duwan, balse ay u badan yihiin dad aan haysan sharciga Mareykanka.
“Dambiyada lagu haysto waa dambiyo kala duwan, inta badan waa sharci la’aan, waa dad sharcigii dalbaday oo sharcigii loo diiday ayaa ku jira dadka hadda la musaafurinayo,” ayuu yiri Mr Jeylaani.
Mr Jeylaani Ayaa intaa ku daray in xiriir ay la sameeyeen safaaradda Soomaliya ee Washinton islamarkana ay arrintan kala hadleen.