Guddida Golaha Wakiilada ee Ganacsiga Iyo Maaliyada Booqday Dekeda Berbera
Guddida Golaha Wakiilada ee Ganacsiga Iyo Maaliyada Booqday Dekeda Berbera oo ku Indho-daraan-daray Horumarka Baaxada leh ee ay ku Talaabsatay iyo Maareeyaha Dekedaha oo Kusoo Dhoweyey…. Said Hassan
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa Dekeda Berbera ku qaabilay Mudanayaal ka Tirsan golaha Wakiilada Somaliland oo booqasho iyo Kormeer ku tagay Magaalada Berbera. Xubnaha Xildhibaanada ah, ayaa ka tirsanaa Guddida ganacsiga iyo Maaliyada golaha Wakiilada Somaliland.Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi,
ayaa si kal iyo laaba usoo dhoweeyey mudanayaasha golaha Wakiillada, isagoo ku wareejiyey qaybaha Dekeda Berbera ka kooban tahay.Xildhibaan Baarlamaan Somaliland ee booqashada ku tagay Dekeda Berbera, ayaa la indho-daraan-daray horumarka baaxada leh ee ay samaysay sadaxdii sanadood ee u dambeeyey Dekeda Berbera.
Mudanayaasha waxa kamid ahaa Xildhibaan Axmed Diiriye nacnac, kaasoo si weyn usoo dhoweeyey horumarka Dekeda Berbera ku Talaabsatay.