Wasaaradda Isgaadhsiinta ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sheegtay inay billaabayso baadhista halista caafimaad ee ay keeni karaan taawarada shirkadaha isgaadhsiinta. Laakiin qalabkan sidoo kale ma u sahlayaa dowladda inay dhageysato wadasheekeysiga dadka ay ku sameeyaan khadadka telefoonnada?
Durba waxaa soo baxay walaac ku aaddan in qalabka cusub ee loo adeegsanayo howlahan uu suuragalin karo in la helo codadka iyo xogta shirkadaha.
Cabdiwali Cabdillaahi Suufi, oo ah wasiirka isgaarsiinta Somaliland, ayaa BBC-da u sheegay in aysan wax awood ah u heysanin dhageysiga xogta dadweynaha.
“Qalabkan waxaa loogu talagalay la socodka hirarka, wax kale oo ka baxsan hirarkaas looma adeegsan karayo, waayo ujeeddada loo sameeyay ayaa taas ah, shuruudaha loo adeegsanayo qalabkanna waxaa ka mid ah in meel gude ah lagu hayo. Qalabku gaadhi buu saaran yahay, dibadda ayuu wareegayaa, taawarrada ayaa la hoos dhigayaa, hirarka ayaana lagula soconayaa. Annagu sharci ahaan uma heysanno awood in waxyaabaha la sheegayo aan ku dabagalno, laakiin tan aan awoodda u leenahay waa in aan la soconno adeeg bixiyaha – oo ah shirkadaha isgaadhiisnta iyo TV-yada.” Ayuu yidhi Wasiirka.
Isagoo sharraxaad dheeri ah ka sii bixinaya in qalabka lagu dhageysan karo codadka wadasheekeysiga isgaadhisiinta, marka sharci ahaanteeda laga soo tago, ayuu yidhi: “Qalabku ma dhageysan karo codad. Wuxuu sheegi karaa oo kaliya inuu hir jiro iyo inuu Signal (astaan cod) jiro, meesha uu kasoo baxayo iyo inta ay awooddiisu la egtahay.”
Saddex ujeeddo oo qalabkan loo howlgalinayo ayaa kala ah “maamulista hirarka isgaadhsiinta, in lagu xakameeyo shucaaca kasoo baxa taawarrada iyo goobaha isgaarsiinta si guud iyo waliba in lagu horumariyo cilmibaadhista tiknoolojiyadda”, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta Somaliland.
“Wasaaraddu iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda qaran ayey awood u heleysaa inay ku maamusho ganacsatada iyo cid kasta oo adeegsata shirkadaha isgaadhsiinta – haddey tahay TV-yada iyo cid kastaba – inay u qoodneyso hirarka, kuna kormeerto kolba sida ay u adeegsanayaan. Waxaa kale oo ay noo suurtagalineysaa in aannu mar walba ogaanno sida ay hirarka dadka uga faa’iideystaan, waxaana kula socom karnaa xagga caafimaadka bulshada iyo badqabka goobaha isgaadhsiinta ee dalka ka jira.,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Horay waxa u jirtay cabasho iyo cabsi laga qabo saamaynta caafimaad darro ee ka dhalan karta hirarkaas oo dad badani ka hadlaan, qaarkoodna ay qoraallo ka sameeyeen. Hase yeeshee Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland ayaa sheegay in wali aan cilmi baadhis rasmi ah loo heynin dhibaatooyin caafimaad oo halis ah oo ka dhalan kara hirarkaas.