Maxkamad ku taal magaalada Bankok ee caasimadda dalkaasi Thailand ayaa warqad waaran soo qabasho ah u jartay milyaneerka da`da yar ee dhaxlay shirkadda soo saarta cabitaanka loo yaqaan Red Bull.
Ninkan da`da yar oo lagu magacaabo Vorayuth Yoovidhya islamarkaana ku magacdheer «Boss» ayaa lagu haystaa dilka nin boolis ah kaas oo uu jiirsiiyay gaari qaali ah (Ferrari) oo uu watay, horraantii sannadkan.
Bishii July ayaa waxaa soo ifbaxay in maxkamadi laashay dambiga loo haystay taajirkan taas oo dhalisay hadal-hayn badan islamarkaana lagu eedeeyay hay`adaha caddaaladda dalkaasi in musuq ay faraha la galeen.
Dhaleeceyntaasi kaddib ayay hay`adaha caddaaladdu ka laabteen xukunkoodii hore ee laalidda, waxaana ay iminka soo saareen warqad ay ku dalbanayaan in lasoo qabto ninkan islamarkaana la hor keeno caddaaladda si loo looga abaalmariyo dambiyada loo haysto oo kala ah dil iyo isticmaal daroogo xilli uu gaari waday.
Wiilkan yar ayaa waxaa awoowe u ahaa taajirkii hindisay ee abuuray shirkadda Red Bull kaas oo lagu magacaabay Chaleo Yoovidhya, islamarkaana dhintay sannadkii 2012-ka.