Abood Hamam: “Sawirka aad u dhiman karto ama ku badbaadi karto

0

In muddo ah, Cabuud Hamam wuxuu ka soo warramayay dagaallada dalka Suuriya, halkaas oo uu muuqaalo iyo warar uga soo diri jiray warbaahinta caalamka, balse marna shaaca kama uusan qaadin qofka uu yahay, muuqaalkiisa iyo magaciisa.

Cabuud Hamam wuxuu la soo shaqeeyay dhammaan dhinacyada ku dagaallamay dalka Suuriya oo ay ka mdi yihiin Dowladda Bishar Al-Asad, kooxda la baxday dowladda Islaamka iyo kooxihii kale ee ka dagaallamayay Suuriya, kuwaas oo uu xilliyo kala duwan uu la soo shaqeeyay.

Ugu dambeyn wuxuu ka sheekeeyay wixii uu ka soo maray marxaladahaas kala duwan.

“Marwalba oo aan muraayadda isku eego, waxaan aad ula yaabaa sida ay timaheyga u cadaadeen, waxaas oo dhanna waa walwalka iyo dagaallada aan ku soo dhex shaqeynayay.”

Cabuud oo hadda da’diisu tahay 45 sano, wuxuu aaminsan yahay in uu ku soo jiray xaalad cabsi ah, maadaama waxa dhabta ah ee dalka Suuriya ka taagan usoo bandhigi jiray caalamka.

Wuxuu ahaa weriyihii ama sawir qaadihii keliya ee ka soo shaqeeyay deegaannada ay ka arrimin jireen ururka la baxay dowladda Islaamka, dowladda Suuriya, Ciidanka Xorta ee Suuriya, Jabhat Al Nusra iyo Kurdiyiinta.

“Sawirka ayaad u dhiman kartaa, si lamid ah sida sawirkaas uu u badbaadin karo noolashada,” ayuu yiri Cabuud Hamam.

Wuxuu aad uga baqay sawir uu si qarsoodi ah uga qaaday kooxaha mucaardaka oo weerarayay magaalada Dimishiq, bilowgii kacdoonka dalka Suuriya.

Dowladda oo markaas aad uga soo horjeeday in la baahiyo duullaanka kooxaha mucaaradaka, haddii ay sirdoonka ogaan lahaayeen arrintaas, waxaa dhici lahayd in la dilo.

Markii dambena wuxuu ku badbaaday kaameradiisa, k adib markii kooxda IS ay ka dalbadeen in uu u duubo gaardinta ciidankooda oo xilligaas la wareegay magaalada uu ka soo jeedo ee Raqqa, halkaas oo uu aabihii ka ahaa beeraley.

Short presentational grey line

Sheekada Cajiibka ah ee Cabuud ayaa haddaba ka billaabatay magaaladaas Raqa – oo ah muwduuca ugu badan ee sawirradiisa – meeshaas oo ah halka ay qoyskiisa ka soo jeedaan.

Dhab ahaantii bulshada aan ku soo dhex koray iyo xitaa waalidiinteyda ma aysan jecleyn saxafi in aan noqdo oo waxay rabeen in aan noqdo macallin ama qareen, sawir qaadistana waxay u arkayeen shaqo doqonnimo ah,” ayuu yiri Cabuud.

WUxuu Cabuud Hamam ka qali jabiyay iskuul laga barto sawir qaadista, kahor kacdoonkii 2011-kii, wuxuuna madax ka soo noqday wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya ee Sana, oo qaabilsan barabagaandada dowladda.

Xilligaas shaqadiisa waxay ahayd in safarada madaxweyne Bashar Al Asad iyo xaaskiisa Asma uu baahiyo oo uu muqaallo iyo sawirro ka qaado.

“Marwalba oo aan aadno safar shaqo, dadkeena sawir qaadayaasha waxaa marwalba na wehliya saraakiil sarsare oo katirsan milateriga, kuwa sirdoonka. waan necbaa dadkaas sababtoo ah waxaan ku qasbanaa in aan si gaar ah ula macaamilo,” Ayuu yiri.

Markii uu bilowday kacdoonkii 2011-kii, Cabuud wuxuu ku qasbanaaday inuu dhexda u galo noolal cabsi ah sida inuu maalintiina uu ka shaqeeyo sawirada qoyska madaxweynaha, habeenkiina uu si qarsoodi ah u duubo weerarada ay kooxaha mucaaradka ka geysanayeen magaalada Dimishiq, sawiradaas wuxuu u diri jiray warbaahinta caalamka oo ay adkeyd in ay war ka helaan xaaladda dhabta ah ee Suuriya

Markii dambe waxay ku noqotay arrin khatar ah oo ay adkeyd in uu sii wado, wuxuuna yiri: “Waxaan marwalba aaminsanaa in haddii la i ogaado la i dili doono”.

Sannadkii 2013-kii, markii magaalada Raqqa ay la wareegeen kooxaha mucaaradka, wuxuu ka soo tegay Dimishiq, wuxuuna dib ugu laabtay Raqqa isagoo ka cabsi qabay in koxaha doonaya in ay la wareegaan casimadda ay uga shakiyaan in uu la shaqeynayay dowladda.

“Markii aan imid Raqqa waxaan arkay baabuur iyo mootooyin ay saarnaayeen calamo madow, qof ayaa ii yimid oo igu yiri: ‘Kuwani waa kooxda khilaafada islaamka’, balse xilligaas ma aanan garaneynin waxa ay yihiin”.

Markii ay kooxda IS la wareegtay Raqqa, waxaa magaalada isaga cararay dhammaan weriyeyaashii joogay, balse ninkan u shaqeynayay Asad wuxuu ku dhiiraday in uu sii joogo magaalada, halkaas oo uu ka soo diri jiray muuqaallo.

Balse Cabuud wuxuu dalab ka helay kooxda IS, kuwaas oo weydiistay in uu la shaqeeyo, muuqaaladana uu u duubo.

Muuqaaladii uu duubay waxaa barabogaanda u adeegsan jiray kooxda ISIS, waxayna u diri jireen warbaahinta caalamiga.

“Marnaba daacad uma uusan noqonin kooxda oo wuxuu isku dayay in uu dhexdhexaad ka noqdo”.

Wuxuu sheegay in uu ka badbaaday xarig, maadaama uu xirir wanaagsan la lahaa odayaasha dhaqanka ee Raqqa oo markii dambe ku biiray ururka IS, balse maalin maalmaha ka mid ah waxaa albaabka ku soo garaacay dabley katirsan kooxdaas, waxayna u sheegeen in uu joojiyo waxa uu sameynayo. Waxay taas ku kalliftay in uu isaga cararo magaalada.”

Markii uu magaaladiisii dib ugu noqday wuxuu yiri: “Maalintii koobaad waan gaabsaday, balse maalintii labaad markii aan soo maray waddooyinka waxaan qaaday sawirro, waana ooyay maadaama magaalada ay aad u burburtay”.

Wuxuu sheegay in uu u soo joogay magaalada oo aan wax shanqar ah lahayn oo waddooyinkeeda ay burbursan yihiin, dadkii degenaana ay ka carareen. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 80 boqokiiba magaaladaas ay noqotay lama degaan, maadaama 90 boqolkiiba dadkii degenaa ay ka carareen.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah sawirradii uu qaaray uu si wayn u ssaameeyay. Wuxuun ahaa mid uu ka muuqday dhisma burburay oo ay ka lalaadaan dhar haween oo lagu waray wax u muuqday qol burburay.

Waxaan dareemay in faragelin qaawan lagu soo qaaday xaaladaha gaarka ah ee shacabka, maadaam dharkaas ay dumarka ku xirtaan guryaha oo keliya,” ayuu yiri.

Sida uu hadalka u dhigay, inta badan sawiradii uu qaaday waxaa ku jira waxyaaba argagax leh, inkastoo haddaan uu sheegay in laga helayo kuwa wanaagsan.

Cabuud hadda wuxuu ku sugan yahay waqooyiga dalka Suuriya, halkaas oo ay maamulaan ciidamada dowldda Turkiga.

Mar uu dib u milicsaday noloshii uu soo maray wuxuu yiri: “Ma xusuuto wakhti aan si nabad ah u noolaa, waxaana aad u xusuustaa mar anigoo wax duubaya nala duqeeyay, markii ay duqeynta dhamaatayna waxaan dib u bilaabay in aan muuqaalo ka duubo waxyeeladii ka dhalatay, balse markii dambe waxaa la ii sheegay in dadka ku dhintay uu ka mid ahaa qof aan ilma adeer ahayd”.

“Hadda waxay da’deydu tahay 45 sano, dagaallada awgoodna ma aanan guursanin, qoys ma lihi, xaas ma lihi, aad ayayna u xanuun badan tahay.

Wuxuu intaa raaciyay “in haddii aysan ahaan lahayn kaameerada uu wax ku sawirayay in uu xilligan heysan lahaa qori”.

Sababta uu u duubayay muuqaalada ama sawirrada xaaladda dhabta ah ee ka taagan dalka Suuriya ayuu ku qeexay inay tahay in dunida ay aragto waxa ka socda dalkaas, balse isaga uu jeclaan lahaa in uu sawiro xayawaanka duur-joogta.