Qalalaasaha Libya: “Ciidanka Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal Libya u socda

0

Waxaa dhowaanahan la isla dhexmarayay in Soomaaliya ay ciidamo u direyso dalka Libya si ay u “caawiyaan” kuwa Turkiga.

Xaaladda Libya ayaa sii xumaaneysa iyadoo dowladdo awood leh ay ku dul loolamayaan – waxaana ugu dambeeya Turkiga iyo Masar.

Turkiga wuxuu taageereyaa maamulka Qaramada Midoobey ay aqoonsan tahay ee ku sugan caasimadda Tripoli, halka Masar iyo dowlado kale ay taageerayaan Janaraalka laga adkaaday ee Khalifa Xaftar.

Baarlamaanka Masar ayaa sidoo kale, shalay isku raacay in militariga dalkooda ay gudaha u gali karaan Libya, iyagoo taageeraya qabiillada deggan xuduudda dhanka Libya.

Dowlado ay ka mid tahay Aljeeriya ayaa ka digaya dhibaatada ka dhalan karto in hub la siiyo qabiillo iska soo horjeeda – taas oo uu sheegay in ay abuuri karto “Soomaaliya cusub”.

Hadaba, waxaa jiray bogag internet ah oo lagu qoray in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ciidamo u direyso Libya “kuwaas oo gacan ka geysanaya xasilinta dalkaas”.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciisa Cawad, ayaa beeniyay in arrintaas ay jirto wuxuuna yiri: “ma jiraan ciidan aan u direyno Libya”.

“Ciidamada Soomaaliya ma ahan calooshood u shaqeystayaal, sida ciidamada kale ee la sheeg-sheegayay. Marka anaga ma haysano calooshood u shaqeystaal”, ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaa ku daray: “Wararka meelaha lagu qorayo ee dacaayadaha ah waxba kama jiraan”.

Wuxuu Wasiir Cawad beeninayay hadal ahaa in “Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay ka wadahadlayaan sidii ay ciidamo wada jira ugu diri lahaayeen Libya”.

Dhanka kale, waxaa jiro madax ka digeysa in Libya “ay u burburto sida Soomaaliya”, ayna colaad xun ka dhacdo.

Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdelmajid Tebboune, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in “la hubeeyo qabiillada Libya”, sida ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta Carabta.

Wuxuu madaxweynaha sheegay in “arrintaas ay sii xumeyn doonto xaaladda Libya ayna abuuri doonto mid la mid ah dhibaatada Soomaaliya”, sida lagu qoray warbaahinta Middle East Monitor.