Iyada uu fashilmay islamaraakana uu istaagay Mashruucii dhismaha Dekeda Ciidan ee Dawlada Imaaraatku ka samaynaysay Duleedka galbeed ee magaalada Berbera islamaraakana ay dhisay shirkda Diver Marine Construction LLC ee Mulkiyadeeda uu leeyahay nin falistiiniya oo lagu magacaabo Cabdalla Darwiish ayaa waxa habeenka caawa ah Dekeda Berbera iyada oo laga rarayo la joojiyay qalabkii Dekedaasi dhisaayay oo isugu jira cagafyo, Wiishash, xafaarado, Gaadiid Iskarogooyin ubadan iyo noocyo kaloo badan oo kamida qalabka dhismayaasha ay leedahay shirkadani Diver Marine Construction LLC oo loo raraayay dalka falastiin oo shirkada fadhigeedu yahay
Masuuliyiinta Gobolka saaxil iyo Degmada Berbera oo ay udacwad tagteen Daylayaashani ayaa joojiyay qalabkan inuu dalka ka baxo ilaa inta daynta muwaadiniintan la bixinayo.
Mashruuca Dhismaha Dekedan Ciidan ee Dawlada Imaaraatka dhidsanaysay ayaa mudo hadda la joogo sanad iyo badh ka hor istaagay iyada oo aan marka horena wax sidaasa oo dhisme dekedeed ah aan la samaynin marka laga reebo xorafado waaweyn oo bada dhinaceeda laga qoday oo loogu talagalay in sabada dhismaha Dekeda la saaro kadibna bada lagu soo faruuro.
Faashilka Mashruucan ayaa ku biiriya liiska mashaariicdii faraha badnaa ee hore uu ubalaan qaaday dawlada isuataga Imaaraatku ee Fashilmay iyaga oo qaarkoodna bilawgii horeba ku fashilmeen halka qaarna aan la bilaabinba waxaana haboon in badhitaan rasmiya lagu sameeyo sababaha keenaya faashilka mashaariicdan labada dawladood hore qalinka ugu wada duugeen.