Gudaha Baarlamaanka Taiwan oo Feedh iskala daalay

0

Xubnaha baarlamaanka dalka Tawian ayaa ku dhex dagallaamay gudaha baarlamaanka xilli ay ka doodayeen ansixinta masuul ka tirsan guddi madax-bannaan oo la socda hawlaha la xisaabtanka dowladda.

Waa markii seddaxaad oo ay xubnaha iskula tagaan feedh iyo haraati labadii isbuuc ee la soo dhaafay. Chen Chu, oo ah xubin ka tirsan xisbiga talada dalkaasi haya ayuu soo jeediyay madaxweynaha dalkaasi in loo magacaabo madaxa guddiga dabagalka hawlaha dowladda balse

mucaaradka ayaa ku gacan seydhay soo jeedintaasi. Waa markii seddaxaad oo ay xubnaha feedh iskula tagaan labadii isbuuc ee la soo dhaafay