Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan, Imran Khan ayaa barlamaanka dalkiisa kahor sheegay in Osama Bin Laden uu ahaa nin “shahiiday” oo ay dileen ciidamada Mareykanka.
Qaar kamid ah warbaahinta caalamiga ah sida DW, VOA iyo ITV ayaa kusoo warramay in Mr Khan uu hadalkan sheegay xilli uu khudbad la xiriirta miisaaniyadda dalkaas kahor jeedinayay baarlamaanka, waxaana sidoo kale uu dhaliilay siyaasadihii uu dalkaas ku maamulayay ra’iisul wasaarihii isaga ka horeeyay.

Imran Khan ayaa sido kale weeraray Dowladda Mareykanka, sheegayna in ay ahayd khalad dhacay in iskaashi ay la sameystaan Mareykanka.
Xukuumadda Washington ayuu sidoo kale sheegay in ereyo aflagaado ah ay u adeegsato dalkiisa, maadaama sida uu sheegay Mareykanka uu dalkiisa ku eedeeyay guuldarrida ka jirta dalka Afghanistan.
Mr Khan ayaa Mareykanka ku eedeeyay in dalkiisa aysan kusoo wargelinin hawgalkii qorsheysnaa ee ay ku qaadeen Osama Bin Laden sanadkii 2011-ka, hawgalkaas oo ay ciidamada badda ee Mareykanka ku dileen hogaamiyihii ururka Al Qaacida, Osama Bin Laden.

“Waxaanu Mareykanka kala shaqeynay dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo ay inooga dhinteen 70 kun oo qof, balse halkan ayay yimaadeen oo waxaa ay dileen Osama, wuu shahiiday, waxayna nagu la kaceen aflagaado iyagoo aanan nagu wargelinin hawlgalka,” ayuu yiri Imran Khan oo la hadlayay xildhibaanada baarlamaanka ee Pakistan
Dowladda Mareykanka ayaa dhowr jeer Pakistan ku eedeysay in ay taageero siiso kooxda Taliban ee ka dagaalanta Afghanistan iyo in ay hoy siiso koox gacan saar la leh Taliban oo lagu magacaabo Haqqani, kuwaas oo weeraro ka geystay gudaha Afghanistan, Mareykankana uu ku tilmaamay argagixiso.
Haseyeeshee eedeymahaas waxaa ku gacan seyray dowladda Pakistan oo sheegtay in xulafada uu hogaamiyo Mareykanka oo heysta ciidan dhan 150 kun oo askari ay ku guul-darreysteen in ay ka adkaadaan kooxda Taliban.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee wadanka Pakistan oo uu kamid yahay Maxamed Khawaja ayaa aad u dhaliilay hadalka Imran Khan, iyagoona Osama ku eedeeyay in uu ahaa nin argagixiso kusoo hogaamiyay dalkooda.
“Osama Bin Laden waxaa uu burburiyay dalkeyga, isagana waxaa uu ugu yeerayaa nin shahiiday,” ayuu yiri.
Isagoo ka jawaabay eedeymaha loo jeediyay Imran Khan ayaa afhayeenkiisa Shahbaz Gill waxaa uu sheegay in buuq aanan loo baahnyen laga sameeyay hadalka ra’iisul wasaaraha.
“Ra’iisul wasaaraha iyo dalka Pakistan ba waxaa ka go’an dagaalka ka dhanka argagixisada, taariikhda aan u leenahay baab’inta kooxahan waa mid dalalka kale ee caalamka ka sareyso”, ayuu bartiisa Twitter-ka ku qoray Gill.
Qaar kamid ah shacabka Pakistan ayaa sheegay in afhayeenka warkiisa uusan kala cadeyn, maadaama uusan beenin in ra’iisul wasaaraha uu hadalka sidaas ula jeeday iyo inkale.
Michael Kugelman oo ah khabiir darsa arrimaha caalamka ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in hadalka Imran Khan uu ka hor imaanayo sheegashadii Pakistan ee ahayd in aanay taageerin kooxaha Mareykanka uu ku tilmaamay aragagixiso.
“Haddii uu kala hadlay waa in warka la caddeeyaa, mana ahan wax fiican si kasta oo uu carabka kaga dhaco,” ayuu yiri Kugelman.
Tan iyo markii uu xilka wareegay Imran Khan, waxaa uu wax ka badel ku sameeyay xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya Mareykanka, waxaase aan la ogeyn waxa hadda ku dhaliyay in uu soo hadal qaado dilka dilka Osama, maadaama la dilay ku dhawaad 10 sano kahor.
Waxaa kale oo aan la ogeyn sida dowladda Mareykanka ay uga falcelin doonta hadalka Imran Khan iyo waxa uu kusoo kordhin doona xiriirka labada dal.