Markii Arif (oo aan ahayn magaciisa saxda) laga siidaayya xabsi ku yaalla galbeedka Hindiya waxaa uu aad u doonayay in uu gurigiisa si dhaqso ah ugu laabto.
Balse waxaa saddex jeer uu ku qasbanaaday in uu tago labo magaalo oo kala ah magaaladii uu ku noolaan jiray iyo magaalo uu ka soo jeedo qof ay xabsiga ku wada jireen.
Ugu dambeyntii waxaa uu Arif ku qasbanaaday in uu tago goob lagu xanaaneeyo dadka guriya la’aanta .
Waa uu soo cararay islamarkana waxaa uu isku dayay in uu mar kale gurigiisa ku laabto, balse waxaa markan lagu karantiilay guri uu saaxibkii leeyahay.
Sheekadda qalbiga taabanaysa ee Arif ayaa hoosta ka xariiqaysa jahwareerka iyo takoorka ay la kulmaan qaar badan oo ka mid ah maxaabiista dalka Hindiya ee xabsiyada laga soo daayay kuna soo hagaagay xilli la soo rogay xayiraado lagu xakameynyo Feyriska Corona.
Ninkani 32 jirka ah oo ku shaqeysan jiray gaari Tagsi ah ayaa ku jiray xabsiga gobolka Maharashtra, muddo 6 bilood ah ka dib markii lagu eedeeyay in uu Taleefoon xaday.
Waxaa uu xaq u lahaa in uu bixiyo lacag si xabsiga looga soo daayo, balse qoyskiisa ayaa awoodi waayay in ay bixiyaan lacag dhan 15,000 rupee oo u dhiganta ($198).
Waxaa uu ugu dambeyntii ku qasbanaaday in uu qaato xabsi 6 bilood ah.
Arif ayaa waxaa uu ka mid ahaa 22,000 maxbuus oo xabsiga laga siidaayay sida ay sheegtay hay’adda Commonwealth Human Rights Initiative.
Sheekada ninkani ayaa waxaa BBC la wadaagay hay’ado isku dayayay in ay ka caawiyaan sidii uu noolashiisa dib ugu dhisi lahaa.
Xiriir aan isku daynay inaan la sameyno Arif ayaa guuldareystay oo aan suuragalin.
Balse waa mid ka mid kumannaanka sheekooyiinka dhibaatooyiinka ka jira guud ahaan dalkaasi Hindiya ee la xiriira faquuqa ay al kulmaan maxbiista xilligan xabsiyada laga oso daayay.
Siideynta ragga iyo dumarka sida Arif oo kale ayaa ka dambeysay ka dib markii ay maxkamada ugu sareysa Hindiya ay ka dalbatay dowladda in maxabiista laga siidaayo xabsiyada buux-dhaafay ee dalkasai si looga hortago in cudurka Corona uu ku faafo.
1,339 xabsi ee ku yaalla dalkaasi ayaa waxaa ku jira 450,000 oo maxbuus , kuwaasi 69% ka mid ah ay sugayaan maxkamadeyn.
Balse maalinkii Arif la soo daayay cid xabsiga ka soo kaxeysa uma iman.
Arif waxaa uu ka soo jeedaa magaalada Mahad, oo ah magaalo buurlaey ah islamarkaana xabsigii uu ku jiray u jirta 150km.
Aaabihii waa uu dhintay islamarkana xaaskiisa ayaa isaga tagtay ka dib markii ay cabasho ka muujisay isticmaalkiisa daroogada oo uu la qabatimay.
Hooyadii oo xanuunsanayd ayaa muddo 6 bilood ah iska bixin waysay kirada guriga islamarkana waxaa caawiya oo quudiya dariskeeda.
Ari oo ana waxbo haysan islamarkana baahan ayaa iska so raacay gaari ah kuwa xamuulka qaada sidaasi oo uu guriga ku soo gaaray .
Balse dariskiisa ayaa cabasho ka muujiyay, waxay ku qaaylinayeen “waxaa uu ka yimid Mumbai, uma ogolaan karno in uu na dhex yimaado.
Magaalada Mumbia ayaa ah goob uu si wayn uga jiro cudurka Corona oo soo ritay 13,500 ayna ku dhinteen 500 ilaa iyo imika.
Arif oo aad u murugeysan ayaa goobtaasi laga soo ceyriyay islamarkana isaga so carararay.
Hooyadii ayuu waxaa uu ka deensaday 400 rupee islamarkana waxaa uu u gacan haadiyay mid ka mid ah gawaarida xamuulka oo uu siiyay 200, waxaa uuna dib ugu laabtay Mumbai, halkaasi oo mid ka mdi ah dadkii xabsiga kula jiray uu u balanqaaday in uu Hoy siin doono.
Waxaa uu imika arif ku nool yahya waddooyiinka magaalada Mumbai kuna laaban karo gurigiisa.
Bishii April, ayaa Arif waddada laga kaxeeyay islamarkana la geeyay goob dadka lagu xanaaneeyo, balse waa uu ka so baxsaday oo magaaladii ayuu dib ugu laabtay.
“Waxaan doonayaa inaan guriga ku laabto, qof walba gurigiisa ayuu ku laabanayaa , hooyadey ayaa i soo waceysa ,” waxa uu sidaasi u sheegay shaqaalaha arrimaha bulshada ee ku sugan goobtii uu ka soo baxsaday.
Balse markii uu guriga hooyadii uu dib ugu laabtay dariska ayaa mar labaad u diiday in uu soo galo.