Coronavirus: Trump oo soo jeediyay in dadka lagu duro dawada jeermiska disha

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay dhakhaatiirta caafimaadka caalamka kaddib marki uu soo jeediyey in daraasad lagu sameeyo dawada Jeermiska disha in lagu daweyn karo Coronavirus.

Sida oo kale Trump wuxuu ka dhawaajiyey in meydka dadka cudurka u dhinta lagu meyro ileyska loo yaqaanno UV ee jeermiska dila, fikirkaasi oo ay dhakhaatiirtu gaashaanka u daruureen.

Mar sii horreysayna wuxuu Trump sheegay Ileyska cadceedda iyo dawada jeermiska disha ay ku wanaagsan iney caabuqa dilaan.

Mr Trump waxaa digniin culus u soo jeediyey wakaaladda arrimaha caafimaadka ee u xilsaaran dalkiisa iyaga oo sheegay inuusan arrimaha dawooyinka faraha la soo gelin.

Muxu sheegay madaxweyne Trump?

Madaxweyne Trump iyo guddiga qaran ee ka hortagga Covid-19 u xilsaaran oo waxay aqalka cad kula hadleen kula hadleen warbaahinta iyaga oo faahfaahin ka bixiyey xaaladda Covid-19 iyo daraasaadka cudurkaasi la xiriira.

Wuxuuna madaxweynuhu sheegay daraasad ay dowladda Mareykanka sameeysay in lagu ogaaday Ileyska cadceedda iyo Kuleylka iney faayraska Covid-19 ay degdeg u daciifiyaan.

Daraasaddu waxay sida oo kale sheegtay dareeraha gacmaha lagu dhaqo inuu faayraska uu shan daqiiqo uu ku dilayo, waxaana dhammaantood ka degdeg badan ayeyna darasaddu sheegtay alkoolka dareeraha ah.

William Bryan, oo ah ku simaha madaxa wasaaradda arrimaha amniga gudaha ahna agaasimaha waaxda Saayniska iyo teknooloojiyadda ayaa macluumaadka daraasadda ku soo bandhigay shirka jaraa’id oo lagu qabtay aqalka cad ee Mareykanka.

Xilliga daraasadda hordhaceeda la soo bandhigayeyna waxaa lagu sheegay in loo baahan yahay tijaabooyinka in si taxaddar leh loo sameeyo, halka uu Mr Trump uu halkaasi ka soo jeediyey daraasado qoto dheer in weli loo baahan yahay.

“Sidaa darteed jirka waxaan ku gubi karnaa ileyska ama iftiin xooggan oo ka baxa awooddiisuna badan tahay” ayuu yiri. Halka Dr Beborah Birx oo ah iskuduwaha arrimaha Coronavirus ee aqalka cad uu sheegay, “Hadalka madaxweynaha inuu iska yiri balse aan la tijaabin, marka inuu isagu looga baahan yahay inuu tijaabiyo.”

“Sida aan horayba u sheegay, iftiinka leydhka ka baxaya ayaa qofka jirkiisa lagu qabanayaa ama hoostiisa lagu qabanayaa taasoo maqaarkiisa lagu qabanaya ama siyaaba kale loo adeegsanaya. Sida la sheegayna waxay ila tahay in tijaaba la sameeyo, rajaduse wey fiican tahay,” ayuu yiri madaxweynaha oo hadalka sii wata.

“Dawooyinka jeermiska dila sida ay daqiiqado faayraska ugu dilayaan ee daraasadda lagu sheegay, marka waa inaan arrimahaasi oo dhan aan darasaadkooda iyo tijaabadooda sii wadnaa”.

“Anigu dhakhtar ma ihi, balse sidaad ogtihiinba waxaan ahay qof caadi ah, sababtu ma garaneysaan?.”

“Isaga oo Dr Brix eegaya wuxuuna weydiiyey iney horay u maqashay kuleylka iyo iftiinka leydhka ka baxa in lagu daweyn karo?” Coronavirus.