In ka badan 70,000 oo askari oo dheeraad ah ayey dowladda Koonfur Afrika daadguraysay si ay gacan uga gaystaan dhaqangelinta bandowga loogu talagalay in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka coronavirus, Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa ku dhawaaqay.
Koonfur Afrika ayaa waxa ay xaqiijisay 3,465 xaaladood oo cudurka coronavirus – tiradaas oo ah tan labaad ee ugu badan ee qaaradda Afrika markii laga soo tago Masar oo kow ku jirta – 58 qof ayaana cudurkaasi dalkaas ugu dhintay.
Dalkaas ayaa waxa uu dajiyay mid ka mid ah xayiraadaha ugu adag ee lagula dagaalamayo cudurka coronavirus ee dunida.
Hasayeeshee ciidammada ammaanka ayaa waxa ay la daalaa dhacayaan sidii ay xayiraadahaas u dhaqangelin lahaayeen.
Wasiirka gaashaandhigga ee Koonfur Afrika ayaa sheegtay in cudurka Covid-19 oo si ba’an ugu faafaya waddankeeda ay keentay baahida ah in la hawgeliyo ciidamada milateriga.
Mahad Geedi Salaad oo ah Soomaali deggan magaalada Johannesburg ee waddankaas ayaa waxa uu BBCda u sheegay in dadka dalkaas oo danyar ah markii ay shaqo la’aanta ku soo dhaceen ay bateen falalka qaska iyo dhaca.
“Shaqadii maadaama la joojiyay dadku way baahdeen, marka dhibaata badan baa timid, dadku dhacbay bilaabeen, dukaamo la jabsado, baabuur wadada laga leexsado, dukaamo la boobo. Madaxweynaha ayaa hadlay oo sheegay in tallaabo sharci ah ay qaadayaan.” ayuu yiri Mahad.
“Sidaas darteed maadaama inta badan shaqooyinkii la joojiyay oo waddanka uu bandow ku jiro oo laga yaabo in dambi badan uu dalka ka dhaco ayaa ciidammada 70-ka kun ka badan waxa ay sugayaan amaanka.”
Tan iyo 27-kii bishii Maarso dadka ku howlan adeegyada asaasiga ah, sida howlwadeennada caafimaadka, kuwa ka shaqeeya adeegyada dhaqaalaha, weriyayaasha iyo ganacsatada tafaariiqlayda, ayaa waxaa loo ogolaa inay shaqo tagaan.
Ganacsiyada bixiya adeegyada asaasiga ah ayaa waxa ay dwladda ka dalbanayeen shatiyo ama ogolaansho siinaya xaqa ah in shaqaalahooda ay bannaanka aadi karaan.
Xayiraadaha ayaa waxaa ka mid ah in bannaanka aanan la isaga soo bixi karin, inaan la iibin karin khamrada iyo sigaarka, warwareeg inuusan jirin, inaan guriga laga soo bixi karin hadduusan qofku doonayn alaabo asaasi ah, halka qofkii lagu helaa inuu sharciga jabinayo la xirayo amaba ganaax culus la saarayo.
Xayiraadahaas faraha badanna waxa ay horseedeen in dhaqaalihii dalka uu ciriiri galo, dhibtana ay badato.
“Meelwalba oo ganacsi ah way xiran tahay, Soomaalida ama dadka ajaanibta ah gacansi ayey ku jiraan ganacsigana hadda wuu xiran yahay. Qeybaha Soomaalida ay ka shaqeysato waxaa ka mid ah baabuurta xamuulka qaadda oo iyaga waa li xiray, dukaamaha dharka iyagana waa la xiray, waxa kaliya ee furan waa dukaamada raashinka, kuwaasna waxa ay ka furan yihiin meelaha iskuraranka ah ee ay dadka faqriga ah deggan yihiin ee ay dhibaatooyinka inta badan ka dhacaan, iyaga laftigooda sidii hore uma shaqeeyaan.” ayuu yiri Mahad Geedi.
Kaddib markii xayiraadda lagu soo rogay khamriga, waxaa bilowday mowjad lagu boob ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday dukaammada lagu iibiyo cabitaannada noocaas ah.
Qaar ka mid ah saraakiisha booliska ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ku lugleeyihiin iibinta sharci-darrada ah ee khamriga – horraantii bishan ayaa waxaa la xiray askar boolis ah oo gadayay ilaalinayayna gawaari ay ka buuxaan khamro.
Madaxweyne Ramaphosa ayaa sheegay inuu go’aansaday inuu daadgureeyo 73,180 oo askari oo dheeraad ah oo uu ku caddeeyay warqad uu Talaadadii u diray baarlamaanka.
Xayiraadda haatan jirta ayaa waxa ay soconaysaa ilaa 30-ka bisha Abriil.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu ku dhawaaqay dhaqaale gaaraya $26 bilyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu dhowro shirkadaha iyo saddex milyan oo shaqaale ah inta lagu gudajiro cudurkan safmarka ah ee coronavirus.
Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka ayuu madaxweynuhu ku sheegay in dhaqaalahaas uu ka dhigan yahay boqolkiiba 10 guud ahaan dakhliga dalkaas Koonfur Afrika.
Mr Ramaphosa ayaa sheegay in tallaabooyinkaas ay ku jiraan canshuurta oo la khafiifiyo, taageero mushaar iyadoo la marayo sanduuqa caymiska shaqo la’aanta iyo maalgelinta ganacsiyada yaryar.
xigasho bbc