WAR-SAXAAFADEED: 16/04/2020
Fadhigii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Maanta Ku Qabsoomay Habka Maqalka Iyo Muqaalka Ah.
Fadhigii 57aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu
shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse
Biixi Cabdi, ayaa maanta ku qabsoomay habka maqalka iyo muqaalka, iyadoo
golaha wasiirraduna shirka kaga qaybgaleen xafiisyadooda, taas oo ka
mid ah talooyinka caafimaad ee xanuunka Covid-19, lagaga hortegi karo,
si looga feejignaado, iyada oo wasaaradda Is-gaadhsiinta iyo
Tignoolajiyadduna soo diyaarisay habkan casriga ah ee shirku ku
qabsoomay.
Waxaana kulankaa lagaga arrinsaday
xanuunka saf-mareenka ah ee Coronavirus (Covid 19) oo ah mid dunida
aafeeyey, iyadoo xukuumadduna dedaal ugu jirto xakamaynta iyo ka
hortagga xanuunkaasi sidii aanu dalka iyo bulshada ugu faafi lahayn.
Waxaana ugu horrayn warbixin la xidhiidha xanuunka covid 19 laga
dhegeystay wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali
Cabdilaahi waxaanu wasiirku ku dheeraaday dadaalka iyo u diyaargarawga
ka hortagga xanuunka ee wasaaradda horumarinta caafimaadku ugu jirto
iyadoo kaashanaysa guddida heer qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga
xanuunka ay xil weyn iska saareen badqabka bulshada, waxaanu wasiirku
sheegay in baadhitaanno lagu sameeyey dad looga shakiyey xanuunka,
tirada rasmiga ah ee xanuunka laga helayna tahay shanti qof ee hore loo
shaaciyey, iyada oo laba qof oo laga shakisan yahana jawaabta
shaybaadhkooda la sugayo, sidoo kale waxa uu wasiirku xusay in gobol
walba iyo xuduudaha dalka ay ka hirgeliyeen goobo u gaara xanuunka oo ay
ku sugan yihiin hawl-wadeenada caafimaadku.
Sidoo
kale, madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida heer
qaran ee u diyaargarawga iyo ka hortagga xanuunka covid 19, Mudane
Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha warbixin ka
siiyay hawsha ay wadaan isagoo xusay inay hadh iyo habeen heegan ugu
jiraan ka hortaga iyo diyaar garowga xanuunka Covid-19 iyagoo kaashanaya
guddiyada gobolada iyo degmooyinka ilaa imikana si fiican ay hawshu ugu
socoto, wuxuna tilmaamay madaxweyne ku xigeenku in ay socoto fulinta
go’aamadii ay soo saareen.
Dhinaca kale, wasiirka
wasaarada horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha
warbixin ka siiyey saamaynta dhaqaale ee uu xanuunku ku yeeshay guud
ahaan dhaqaalaha dunida, gaar ahaanna Somaliland, isagoo wasiirku
caddeeyey in xanuunkani saameeyey mala’awaalka miisaaniyad-sanadeedka
qaran ee 2020, sababina karo hoos udhac dhaqaale, sidaa awgeed la
tashiili doono miisaaniyada dalka, iyadoo dawladduna qorshe ka yeelan
doonta saamaynta dhaqaale ee xanuunkani bulshada ku keeni karo.
Ugu danbayntii waxa goluhu isla qaateen in la dardargeliyo baraarujinta
iyo wacyigelinta bulshada ee xanuunka covid 19, iyagoo shacabka u soo
jeediyey inay u hoggaansamaan awaamiirta guddida heer qaran ee covid 19
iyo talooyinka caafimaad ee la soo saaray .
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
—