Guud ahaan tirada dadka uu soo ritay xanuunka Covid-19 ayaa waxay kor u dhaaftay laba Malyan oo qof sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins.
Tiradan ayaa laba toddobaad gudohood ku laba laabantay iyadoo markii hore ahayd malyan kiis. Mareykanka ayaa waxaa isaga la diwaan geliyay 600,000 oo kiis waxaana soo raaca Spain iyo Talyaaniga.
Dunida Guud ahaan dadka u dhintay fayraska Corona waxay kor u dhaafeen 128,000 oo qof. Mareykankuna ilaa 24,000 oo qof ayaa u geeriyootay halka Talyaanigana ay dhimashada ka badan tahay 20,000 oo qof.
Madaxweyne Trump oo jeedinayay khubaddiisii maalin laha ee Coronavirus ayaa sheegay in Mareykanka uu fayruska kor u dhaafay halkii ugu sarreysay.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Gobolada Mareykanka ay xoogga saari doonaan sidii dib loogu furi lahaa dhaqaalaha uuna ku dhawaaqi doono qorshahaasi khamiista xilliga Mareykanka.
Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF ayaa ka digtay in kobaca dhaqaalaha ee qaaradda Aasiya uu dhulka geli doono markii ugu horreeysay muddo lixdan sannadood ah sababo la xiriira xanuunkan saf-marka ah ee Covid-19.
Waxay hay’addu gaar ahaan carrabka ku dhufutay badeecadihii dabadda lo dhoofin jiray ee Gobolka.
Xisbiga Dimuqraadiga ee talada haya ee Kuuriyada Koonfureed ayaa xildhibaano badan ka helay doorashadii baarlamanka ee dalkaasi ka dhacaday, iyadoo dalka la daalaa dhacayo la dagaallanka dhibaatada xanuunka Covid-19.
Guushaasi ayaa madaxaweyne Moon Jae-in siineysa aqlabiyadda barlamaanka tan iyo markii Kuuriyada koonfureed ay ka dhacday doorasho dimuqraadi ah sannadka markuu ahaa 1987-dii.
Qaxootiga Muslimiinta Rohinja
Inta badan hay’adaha gargaarka kuwadooda waaweyn ayaa dowladadaha Bangaldhesh iyo Myanmar ugu baaqay iney dib ugu soo celiyeen khadka interneka boqolaalka kun ee qaxootiga Muslimiinta Rohingya.
Hay’adaha ayaa sheegay in khadka internet-ka uu aad muhiim ugu yahay qaxtootigaasi si loo helo macluumaadka kiisaska Coronovirus.
Guatemala
Dalkaasi Guatemala ayaa waxa uu walaac ka muujinaya tirada sii kordheysa ee dadka laga soo taraxiilayo dalkaasi Mareykanka kuwaasi oo qaba fayraska Corona.
Wasaaradda Caafimaadka ee Guatemala ayaa Talaadadii shaaca ka qaadday in ku dhawaad boqolkiiba shan iyo labaatan laga helay rakaab la soo tarxiilay oo saarnaa hal diyaarad.