Sucuudiga o fasaxy xoolihii uga tagi jiray Dekadaha Berbera+Jabuuti+ Port Sudan+ xamar iyo Boosaaso,

0

Dalka Sucuudiga o Xayiraadii ka Qaaday Xoolihii uga tagi jiray  Geeska Afrika Dekadaha ku yaala,

Boqortooyada Sucuudiga ayaa daboolka ka qaaday inay fasaxday xoolihii  uga tagi jiray  wadmada  jabuuti, somaliya ,Somaliland iyo dalka soodaan, kadib markii  qiimaha hilibka u kor u kacay dalkaasi ,

Sucuudiga ayaa xoolaha  mandaqadana xayiray mudo iminka laga joogo sadex sanadood  isagoo ku sababeeyay in xooluhu bukaan, lakiin  sida xaqiiqdu tahay  arinku wuxuu ahaa mid  siyaasad dhaqaale ku jirto,

Mr cabdiraxmaan xuseen shitaar o kamida ganacsatada waawayn e xoolha ka dhoofiya dekada berbera  aya noo xaqiijiyay in  xoolihii ka dhoofi jiray dekadaha  jabuuti, berbera  bort sudan  ,boosaaso, iyo xamar xiligan ay fasaxaan yihiin loona rari karo wadnka sucuudiga,,

Sidoo kale manta waxaa dekada jida ka degay markabkii kowaad o laga raray  dekada jabuuti  kaasoo siday Adhi dhan 14000 kun oo neef iyo lix boqol o geela,,

Shirkada ganacsadaha carbeed Al jabiri ayaana la filaya in markabka kowaad u ka raro dekada berbera malmaha fooda inagusoo haya,,

Ganacsade shitaar ayaa kaloo sheegay in fasaxaadani ay la mid ahayn tii Arafada un sucuudigu  ogalan jiray laakiiin  waa mid caama o soconaysa,,

Hadaba waxa siwayn uga faa,iidaysn doona  bulshada xoolo dhaqatada ah o  neefkoodu kor u kici doono qiimaha lakala siisto