Culimada Somaliland Oo 10 Qodob Oo Muhiim Ah U Gudbiyey Guddiga Qaran Ee Ka Hortagga Coronavirus Iyo Dadweynaha!

0

Culimada Somaliland oo isaga kala yimid Gobollada kala duwan ee dalka oo maalmihii u dambeeyeyba Kulammo ay la yeesheen Guddiga ka hor-tagga heer Qaran ee Cudurka Covid-19 iyo kuwo ay Culimo ahaan wada yeesheen u socdeen, ayaa gebo-gabadii soo saaray go’aan toban qodob ka kooban oo talo soojeedin u badan.

Culimada oo ka arrinsaday waxa laga yeelayo Jamaca Salaadaha ee Masaajiddada, maaddaama oo laga cabsi qabo faafitaanka xanuunka dunida sadheeyey ee Corona-virus Covid-19, maaddaama oo kiisaskii ugu horreeyey toddobaadkii hore dalka laga helay, isla markaana dalal badan oo Islaam ahi hakiyeen muddooyin kala duwan isu imashada Salaadaha Jamaca ah, waxaanay Culimadu ka dib kulammada wada-tashiga ah, waxay soo saareen talooyin ay u jeediyeen Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Corona iyo guud ahaan Bulshada Somaliland.