NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka.
Haaruun Macruuf ayaa waxa uu caan ku yahay in inta badan uu ka warramo arrimaha amniga, gaar ahaan kooxda Al-Shabaab iyo weerada ay fuliso, isaga oo qoray buug si gaar ah uga hadlaya Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale leeyahay barnaamij sameeya baadhitaanada oo lagu magacaabo “Galka Baadhista”, kaasi oo marar badan baahiyey, banaankana soo dhigay xogo ka qarsoon shacabka, oo qaarkood ku saabsan musuq-maasuq ka dhex jira hay’adaha dowladda Somalia iyo gaabsi dhanka ah amniga ah oo ka muuqda hay’adaha amniga dowladda Somalia.