Tirada dadka coronavirus ugu dhintay Talyaaniga oo ay hal maalin gudaheed ku korortay 475
Dhimashada uu cudurka Coronavirus sababay ee dalka Talyaaniga ayey hal maalin gudaheed ku darsantay 475, waxayna ku dhawaatay 3,000 oo dhimasho – tiradaas oo ah tii ugu badneyd ee hal mar sare u kacda tan iyo markii uu cudurkan dillaacay.
Ilaa hadda waxaa Talyaaniga laga xaqiijiyay isku darka 35,713 qof oo uu cudurkan ku dhacay, halka in ka badan 4,000 oo qof ay ka reysteen.
Lombardy, oo ah gobolka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Caabuqan ayaa laga soo tabiyay 319 dhimasho oo hal maalin gudaheed ah.
Talyaaniga waa waddanka uu sida ugu ba’an u saameeyay cudurka Covid-19, marka laga soo tago Shiinaha, oo ah halkii uu Coronavirus ka billowday bishii December ee sanadkii hore.
Ugu yaraan 8,758 qof ayaa u dhimatay Fayraskan, kuwaasoo intooda badan ay ku geeriyoodeen gudaha Shiinaha.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in isku darka tirada guud ee uu ku dhacay caalamka oo dhan ay kor u dhaaftay 200,000