Diyaaradda rakaab sidday oo kasoo duushay Dubai oo laga-leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa saaka subaxii hore laga celiyay in ay cago-dhigato garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ee caasimada dalka Soomaaliland.
Diyaaradda ayaa sidoo kale qorshaynaysay inay rakaab keento garoonka diyaaradaha Cigaal, halka kuwo kalena ay ka qaadi lahayd.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in rakaabka ay diyaaraddu kula noqotay magaalada Dubai, kadib markii loo diiday inay ka degto Madaarka Hargeysa.
Arintan ayaa imanaysa xilli dawladda Soomaaliya ay hakisay duulimaadyada caalamiga ah si looga hortago caabuqa Coronavirus,in kasta oo ilaa iyo haatan xukuumadda Somaliland ayna joojin duulimaadyada caalami ah ee imaan jiray dalka.
Dabcana Sidaynu ognahay Xukuumada xamar fadhida ayaa maradeeda uga faa,idaysanaysa xanuunka crono e caalamka dawkhiyay madaam mamulka hawada e labada wadan ka dhexeeyayna ay hore ula wareegeen