Boqoradda Ingriiska oo uga qaxeysa Qasrigeeda cudurka coronavirus dartiis

0

Boqoradda dalka Ingriiska Elizabeth ayaa la shaaciyay in ay ka qaxeyso khasrigeeda Buckingham Palace sababo la xiriira cabsi ay ka qabto in uu ku dhoco cudurka coronavirus ee faraha ba`an ku haya Yurub iyo guud ahaan caalamka.

Qoraal ay soo saareen howl-wadeenada boqoradda ayaa sheegay in ay si kumeel-gaar ah ugu guuri doonto deegaanka Windsor Castle, maadaama ay boqoradda oo jirta da`da 93 ay ka mid tahay dadka halista ugu jira cududrkaasi.

Boqoradda ayaa gebi ahaanba kansashay shaqooyinka iyo kulamadii ay ku qaban jirtay Buckingham Palace ilaa bisha May iyo wixi ka dambeeya.

Cudurka coronavirus ayaa faro ba`an ku haya dalalka Qaaradda Yurub, waxaana uu xayiraad saaray isu-socodkii dadka iyo gaadiid, iyadoona arrinkaasi sidoo kale saameeyay dhaqaalaha