Isaayaas: “waxaan ka shaqeyneynaa sidi adeegga dakadaha Asab iyo Misiwa kor ugu soo qaadi lahayn’
Madaxweynaha Eritrea Isaayaas Afwarqii ayaa sheegay iney xukumaddiisu ka shaqeyneyso sidi sare looga soo qaadi lahaa dakadaha Asab iyo Misiwa.
Madaxweynaha wuxuu hadalkaasi sheegay xilli uu u warramayey warbaahinta dowladda Eritrea.
Howlaha dakadahaasi ee la qabanayana wuxuu madaxweynuhu ku sheegay iney ka mid yihiin dayactir, balaadhin iyo adeegyada ay bixiyaan oo sare loo soo qaado.
Dakadaha markaan dib u habeyn ku sameyneyno kuma fikireyno iney Itoobiya keli ay isticmaasho balse, waxaan ahmiyadda koobaad siineynaa muhiimadda uu marinka badda cas oo ay dakadahaasi ku yaalliin u leeyahay caalamka sidaana ay dakaduhu adeeg badan ku bixiyaan” ayuu yiri madaxweynuhu.
“Haddii aan iskaashanno maadaamaa aan natiija soo hoyn karno waxay taa noo horseedeysaa inaan gobolka mideyno, waana hadafka ugu weyn ee ay dowladdeydu aaminsan tahay” ayuu yiri.
“Dowladda Eritrea waxay sheegtay iney qorsheyneyso sidi ay ballaadhin iyo dayactirba ugu sameeyn lahayd waddooyinka isku xira Itoobiya iyo Eritrea.”
Wuxuuna madaxweynuhu sheegay waddooyinka la sameynayo ama la dayactirayo iney yihiin:
– Waddada Asab ka timaadda ee soo marta Dabayasima ee Itoobiya soo gasho.
– Waddada Misiwa ka timaadda ee soo marta Deqamahari ilaa Zaalambasa, Asmara ilaa iyo Mandafara, iyo Waddaa Raama tageyso, howlahaasi oo dhanna ay sanadkan billaabmayaan kuwa horay loo billaabayna sanadkan la dhammeystirayo. Madaxweynaha oo wareysiga uu warbaahinta dowladda uu la yeeshay arrima badan kaga hadlay waxaa kale uu ka dhawaajiyey manhajka waxbarashada uu dalka Eritrea uu ku soo dhaqmayey 20-ki sano ee ugu dambeeyey uu dalku dib u dhac u horseeday, xukumaddiisuna ay diyaar u tahay isbeddel la taaban karo iney dhinacaasi ka sameyso.
Mr Isaayaas waxaa kale uu sheegay dalka Eeitrea inuu badda cas oo keli ah uu sanadki ka heli karo kheyraad kalluun oo gaaraya 100 kun oo tan balse 20-ki sano ee la soo dhaafay uu dalka sanadki ka faa’ideysanayey oo keli ah wax aan ka badneen 10 kun oo tan.
“Si aan u hormarinno kheyraadka kalluunka dalka eritrea uu leeyahay dowladdu waxay billaawday barnaamijyo ay ku hormarineyso adeegyada aasaasiga ah oo suuragelin kara ka faa’ideysiga kheyraadka badda uu dalka Eretrea leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Eritrea Isaayaas Afwarqii.