Dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay xaqiijiso ama beeniso hadal kasoo yeeray madaxweynaha Turkiga oo ahaa in dowladda Soomaaliya ay ku casuntay in shidaal sahmin ay ka billawdo Badweynta Hindiya.
Wasiirka batroolka iyo macdanta, Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in aan la gaarin xilliggii la gudo geli lahaa howlaha sahminta shidaalka isla markaasna ay weli qabyo yihiin qorsheyaal loo bahaan yahay in la dhameystiro, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee SONNA.
Wasiirka ayaa wakaaladda u sheegay “In xiriir walaalnimo iyo mid wada qabsi uu kala dhexeeyo dawladda Turkiga, welina aan la gaarin xilligii la billaabi lahaa hawgallada Batroolka Soomaaliya, iyadoo ay weli dhiman yihiin hawlo ay muhiim tahay in la dhammaystiro”
Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in howsha batroolka ay ahaan doonto mid daahfuran.
Waxay arrintani kusoo beegmeysaa xilli madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan uu shaaca ka qaaday in caasuumaad rasmi ah ay ka heleen dowladda Soomaaliya taasoo ku aaddan in Turkiga uu sahmin shidaal ka sameeyo Badweynta Hindiya inta ay ka leedahay Soomaaliya.