Xukuumada somaliland ayaa ganafka ku dhufatay isbahaysi cusub oo ay ku dhawaaqeen sideed dal oo ku yaala xeebta badda cas.
War saxaafad ka soo baxay wasaarada arimaha dibada ayaa lagu sheegay in somaliland ay ka soo horjeedo shir ay wasiirrada arrimaha Dibadda waddamada Kulaala Badda cas iyo Gacanka Carabtu ku yeesheen waddanka Sacuudiga.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ku taagan tahay mawqifkeedii hore ee ahaa in aanay wax wadashaqayn ah la yeelaan waddamada iskakaashanaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta la dafirayo xuquuqdeeda muhiimka ah.
“Somaliland waa dal madax bannaan dal kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu qoraalka.
SOMALILAND ayaa sheegtay in Xuduudeeda badeed oo dhererkeedu dhan yahay 850 KM ay ka ilaalisay in ay gabaad u noqoto Budhcad Badeeda iyo weliba Ururrada Argagaxisada.
Shirka Sacuudiga ka dhacay waxa ka qayb-galay wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Halkan Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Ay Somaliland Soo Saaartay