Sidee qofka dhalinyarada ah looga dhigi karaa taleefoonka uu ku mashquulay si uu kuula sheekeysto? Jamie Clarke wuxuu aaday masaafo fog oo ah ilaa Mongolia si uu arrintan u ogaado.
Wuxuu mooto ama dhug-dhugleey u qaatay dooxo ku taalla dalkaas Mongolia.
Ka dib dhowr saacadood ayuu iska saaray koofiyadii madaxa ugu jirtay si uu u eego khariiradda.
Balse wiilkiisa oo 18 sano jir ah ayaa isna iska saaray koofiyada, wuxuuna qabay fikrad ka duwan midda aabihii oo ku aadan socdaalkan dheer ee ay soo afjareen.

Isaga waxa ay u ahayd, in kelinimada ay tahay mid walaac badan.
“Yaa ilaahii, taasi waxay ahayd mid dhibaato badan! maskaxdeyda sidan loogama rogi karo!”
Balse xaqiiqadu waa sababtaa, waxayna labadooda go’aansadeen in ay is raacaan oo ay wada galaan safarkaa dheer.
Mr Clarke, ayaa dareemay in uu luminayo xiriirkii kala dhaxeeyay wiilkiisa oo lagu magacaaabo Khobe kaasi oo inta badan ku mashquulsanaa taleefoonka marka uu joogo gurigooda oo ku yaalla Calgary, Alberta ee dalka Canada.

Mr Clarke ayaa sheegaya in uu arrintan isaga sabab u ahaa oo wiilkiisa markii uu yaraa taleefoonnada casriga kula ciyaari jiray ciyaaraha laga soo dajiyo taleefoonnada.
“Haddii maanta uu jiro wax aan qabatinnay shakhsi ahaan, qoys ahaan ama (Waalid) ahaan waa taleefoonka,,” waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Mr Clarke. “Waa qalab wanaagsan, balse waxaan dareemaynaa inay la wareegeen nolosheena”, ayuu intaa ku daray.

Arrintan ayaa la soo gudboonaatay Mr Clarke ka dib markii qoyskiisa uu u kaxeeyay dalxiis si uu ugu dabaaldago 50 sano guuradii ka soo wreegtay dhalashadiisa.
Hoteelkii ay dageen ma uusan lahayn internet iyo taleefoon toona.
“Ma anan lahayn khibrad ku saabsan in maalmaha nasashada aan joogo aniga oo aan haysan taleefoonkeyga gacanta, markii hore waxay ila noqotay mid la yaab leh ,” ayuu BBC u sheegay Khobe .”
Khobe ayaa qirtay xilligaasi uu aad u carooday uuna doonayay in uu laabto, wuxuu aad ugu xiisay aaladaha lagu sheekeysto ee Snapchat iyo Instagram, islamarkana ma uusan ogeyn waxa saaxibadiisii joogay goobtii uu ka yimid ay hadal hayaan.

Arrintan ayaa aabihii ku abuurtay fikir ah doorka ay tiknoolajiyada ka ciyaartay nolosha qoyskiisa iyo qaabka arrintan loo xalin karo.
Wuxuu muddo dheer ku riyoon jiray in uu u socdaalo Mongolia isaga oo adeegsanaya Mooto, maadaama uu wiilkiisa imika qaangaaray wuxuu ka dhabeeyay arrintaa.
Waxa uu sannad ka hor soo jeediyay arrintani wiilkiisa Khobe.
Khobe markii helay ogolaanshiyaha shatiga lagu kaxeeyo mootooyiinka ayey isaga iyo aabihii bilaabeen inay u tababartaan sida safarada dheer loogu galo .
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa waxyaabaha ay baranayeen sida buuraha loo karo.
Waxay safarkooda bilaabeen 28 July, waxayna jareen masaafo ka badan 2,200 kiilo mitir oo ah dhulka Mongolia iyaga oo ku safrayay dhug-dhugleey, fardo ama Geel.
Waxay mudadaas iska ilaaliyeen in wax sawiro ah ay soo dhigaan baraha bulshada ilaa ay safarkooda ka so laabanyeen.
Khobe ayaa sheegay in dhibaato ay ahayd in uu ka maqnaado taleefoonkiisa.
“Waxaan u maleynayaa in mar walba aan dareemi jiray oo aan u xiisay taleefoonkeyga,” ayuu yiri . “waxaa dareemaysaa cajis badan, markii aan cajis dareemo waxaan isku masquulin jiray YouTube ama aan daawan jiray Netflix, balse tani waa uun dayaxa eeg,” ayuu intaa ku daray.
Balse waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ahayd wax wanaagsan in uu ogaado qiimaha uu aabihii ku fadhiyo, gaar ahaan waqtigii ay wada qaateen intii ay waddada ku sii jireen iyo cunadii ay wada karsanayeen.
Si taasi la mid ah, Mr Clarke ayaa la yaabay in uu barto sida uu u koray wiilkiisa iyo isbadalka ku dhacay.
“Waxay arrintan gacan iga siisay in aan Khobe u arko qaab cusub islamarkaana markii uu yaraa uu arki jiray wiilkiisa oo Jaakada uga dul taga miiska, balse waxaan imika la yaabay sida uu howlkarka u yahay xilliyada uu cadaadiska jiro”, ayuu intaa ku daray. Mr Clarke ayaa sheegay in safarkii isaga iyo wiilkiisa uu imika dhamaaday islamarkana isaga iyo wiilkiisa ay isku dayayaan in noolal maalmeedkooda ay ku dabaqaan casharadii ay ka soo barteen safarkaasi dheer.
xigasho bbc