ramaax in abaalmarin la siiyo ayay ahayd, gudoomiyah ururka duurjoogta somaliland

0

Xadhiga Ramaax , Waxa Laga Uriyay ,Waxuu Kow-ka-yahay Ragii Soo Af-jaray Xiisadii Ka Taagneyd Deegaanka Cali-saahid Ee Konfurta Burco. Waxaanu Mudo Bil Ka Badan Burco U Joogay Xalinta Xiisadaa U Dhaxaysay Beelaha Wada Dhashay Ee Deegaankaasi Ku Wada Nool , Taasi Oo Salka Ku Haysay Xanaftii Doorashada, Ugu Danbeyntiina Wuu Soo Af-jaray, Isaga iyo Rag-badan Oo Laba Dhinacba Ka Tirsan Oo Ay Ka Mid Yihiin Muj: Ibraahim Dhagoweyne ,Siciid X. Axmed Qulunbe iyo Chief Caaqil Axmed Maxamed Daahir. Waxaanu Xaq U lahaa Ex-Gudoomiye Maxamuud Cali Hayste

Ramaax ,in Bilad Nabadeed Lagu Siiyo Talaabadaa Uu Ku Guulaystay ,Waayo waxa uu kala Bad-baadiyay Nafo Badan ,Laakiin Waa Ayaan-daro in Xadhig Lagula Kaco isagoo Hadalo Toosin Ah Xukuumadda Ujeediyay. Waxaaney Ahayd in Uu Madaxweynuhu Dhagaysto Talooyinkiisa ,Waayo Waa Nin Wayn Oo waayo Arag Ku Ah Xaalada Dalka iyo Marxaladihii Bulshadiisu soo Martay ,islamrkaana Jecel Horumarka Wadankiisa .. Waanan Cambaaraynayaa Xadhigaa Ramaax ee Maalintii Afraad Galay iyo Cidkastoo Xaq-daro U Xidhan. Allaa Mahad-iska Leh.

Qalinkii By Mahad Faarax.