Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo Wershadaha dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa si weyn u bogaaddiyay Horumarka baaxadda leh ee ka tisqaaday dalka Somaliland.
Waxaannu sheegay in Somaliland uu ka hir-geliyay Horumar dhinaca Ganacsiga iyo Warshaddaha oo aad u wanaagsan, taasoo tusaale fiican u ah ganacsatadda Somaliland halka ay taagan yihiin iyo halka ay hiigsanayaan. Wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha DDS Bashiir Shaafi, oo hadal ka jeediyay carwadda wax-soo-saarka wershadaha Somaliland oo magaalada Hargaysa uu kaga qayb galay.

Isagoona ka mid ahaa wefti balaadhan oo uu isagu oo ka socday
dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayna ka mid ahaayeen wasiirka
xafiiska dhalinyaradda iyo ciyaaraha DDS Xasan Faarax, masuuliyiinta
daladda ganacsatada DDS iyo xubno kale.
Waxaanu yidhi, “Aad iyo aad ayay ugu mahadsan yihiin masuuliyiintii
iyo dhammaan wershaddaha iyo agabka ay soo bandhigeen. Waana mid
tusaale fiican u ah ganacsatadda Somaliland, taasoo tusaysa halkay
taagan yihiin iyo halka ay hiigsanayaan.
Anagu (DDS) waxaanu nahay al-baabkii Itoobiya laga gelayay. Marka
ganacsatadda Somaliland waxaan leeyahay anaga ayaa al-baabkii idiin ah.
Maanta waxaanu dawladda faderaalka Itoobiya ku leenahay mid ka awood
badan tii shalay.
Taasina waxay dawladda Somaliland u tahay sharaf iyo cisi, wada
shaqayn fiican ayaanu yeelanaynaa. Laydhka (korontadda) Itoobiya waxa uu
jooga Tog-Wajaale. Markaa waxaa habboon in ay wershaddaha Somaliland
Korontadda Itoobiya isticmaalaan”.
Geesta kale wasiirka xafiiska ganacsiga iyo warshadaha DDS Bashiir
Shaafi, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo is-kaashiga
dhanka ganacsiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaana
dhinaca DDS iyo Somaliland.
Waxaanu yidhi,”Xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya labada wadan, waa
mid aad iyo aad u qoto dheer. Ma aha mid maanta bilaabmay. Sharaf ayay
noo tahay maanta in halkan nalagu casuumo, kana soo qayb galno carwadda
wax-soo-saarka wershadaha Somaliland.
Somaliland dhab ahaantii wixii ay soo saartay, waxay u baahan tahay
in saddex ay u qaybiso. Waa mida koobaade, doorka koowaad waxaa iska
leh dalka iyo dadka Somaliland oo bulshadda dhexdeeda wax laga iibiyo
lana yareeyo wixii dibadda laga keenayo”.
Waxaanu intaas raaciyay, “Doorka labaad-na waxaa iska leh dalka
Itoobiya o ah meeshii aad wax u dhoofin laheydeen, waayo qalabkii aad
sameyneysaan waxaa loo baahan yahay meeshi la geyn lahaa, dad baad u
baahan tihiin,
Dal aad wax u dhoofisaan oo aad walaalo tihiin ayaad u baahan
tihiin, khaasatan marka Itoobiya la sii kala qaad-qaado, labada degaan
ee Soomaalida iyo Oromadda, Somaliland waxaa ka dhaxeeya xidhiidh
ganacsi, ehelnimo, walaalnimo, cida koobaad ee xidhiidh ganacsi la leh
Somaliland waa DDS.
Waxaanu diyaar u nahay in aanu wanaajino wax kasta oo Somaliland naga dhaxeeya oo ugu horeeyo ganacsigu”ayuu yidhi Bashiir