ciyaartoy u dhalatay dalka Eretria oo gaaraya ilaa 7 ayaa la waayay kaddib markii ay ka qayb qaateen ciyaaraha Bariga Afrika oo lagu qabtay dalka Uganda.

0

Ciyaartoy u dhalatay dalka Eretria oo gaaraya ilaa 7 ayaa la waayay kaddib markii ay ka qayb qaateen ciyaaraha Bariga Afrika oo lagu qabtay dalka Uganda.

Ciyaartoydii kale ee ka tirsanaa kooxda ayaa dib ugu noqday Eritrea.

Waa markii labaad ee sanadkan ay ciyaartoy u dhalatay Eritrea ay baxsadeen iyaga oo qayb galaayo ciyaaro lagu qabtay dalka dibaddiisa.

CECAFA ayaa ku howlan raadinta ciyaartoydan, waxayna sidoo kale wargeliyeen dowladda Uganda.

Maahan markii ugu horreysay oo ciyaartoy Eriterian ah ay baxsadaan.

Dowladda Eriteria ayaa diiday eedaymaha ah in ay horay ciyaartoy kale ay u baxsadeen, waxayna sidoo kale sheegeen in tiradan aysan ahayn mid rasmi ah.