Ciidamada Liyuu boolis ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa toogasho Hargaysa(HWN):-Ciidamada Liyuu boolis ee dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya ayaa toogasho ku dilay Saddex nin gelinkii hore ee maanta magaalada Allaybaday
Ciidankan ayaa kasoo galay xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya ee ku taalla Allaybaday, kadibna waxay usoo dhaafeen dhinaca Somaliland. Lama garanayo sababta uu ciidankaasi usoo galay magaalada Allaybaday iyo sababta ay rasaasta ugu fureen dadka.

Dadka geeriyooday ayaa waxa ku jira wiil dhallinyaro ah oo ay
haleeshay rasaasta ciidankaasi ridayay, wiilkaasi oo lagu magacaabo
Naasir Cabdi Aadan, sida uu HUBAAL u xaqiijiyey guddoomiye-ku-xigeenka
degmada 26-juun ee xisbiga Kulmiye, Muxiyadiin Cabdi Shiil, oo abti u
ahaa marxuumka geeriyoodday.
Guddoomiye Muxiyadiin Shiil ayaa hubaal u sheegay, in dhaawaca
wiilka uu abtiga u ahaa loola soo cararay dhinaca magaalada Hargeysa oo
uu markii dambena u geeriyooday. Wiilkan ayaa dhawaan kasoo qalinjebiyay
jaamacad dalka dibediisa oo waxbarasho ugu maqnaa, sida uu sheegay
Abtigii, Muxiyadiin Cabdi Shiil.
Ciidankan ayaa la sheegay inay magaalada soo galeen gelinkii hore
ee maanta ilaa haddana ay ku sugan yihiin. Ciidanka Somaliland ee ku
sugan xuduudka ay labada dal wadaagaan ee ku yaalla Allaybaday, ayaan ka
badnayn afar askari, maadaama aanay wax iska caabin la kulmin ciidanka
Liyuuga ee soo galay.
Maaha markii ugu horraysay ee ay Ciiddanka Liyuu Booliska ee
dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia ay gudaha u soo gallaan dhulka
Somaliland, isla markaanna ay dad shacab ah ku laayaan, hase-yeeshee
dhawr jeer oo hore ayay dhacday, inkastoo maamulka Jigjiga ay cuddurdaar
iyo raali-gelin ka bixiyeen.