Xoghayihii hore ee arimaha dibada xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Faadumo Siciid ayaa ka hadashay qaabkii loola dhaqmay markii ay iska casishay xilkii ay ka haysay xisbigaasi.
Marwo Faadumo Siciid oo ka hadlaysay kulan ay la yeelatay jaaliyada somaliland ee dalka Jarmalka ayaa sidoo kale ka warantay tartanka u dhaxeeya hogaamiyeyaasha sadexda xisbi mucaarid.
Marwo Faadumo Siciid oo ka hadlaysay qaabkii loola dhaqmay markii ay ka tagtay xisbiga Waddani ayaa waxay tidhi “Aniga culayskii ugu faraha badnaa ayaa igu dhacay oo markii hore waxaan ka tirsanaa xisbi mucaarid ah markii aan joogayna waxaan ahaa gabadhii wanaagsanayd ee xidigaha soo duminaysay ee fiicnayd ee jam jamta ahayd, maalintii aan ka baxayna basaasad ayaan noqday.”

Sidoo kale mrwo Faadumo Siciid ayaa ka hadashay tartanka ka dhaxeeya hogamiyeyaasha sadexda xisbig qaran waxaanay tidhi “Muuse, Faysal iyo Ciro sadexduba meel ayey wada fadhiistaan, marna miiska ayey garaacaan hadana shaaha ayey wada cabaan balse idinku shaaha ma wada cabi karaysaan, ma wada cabi kartaan, meel ma wada mari kartaan balse iyagu marka ay iska horyimaadaan way isa salaamaan oo waad aragteen iyaga oo shafka isa saaraya.”