Telefishinka dowladda Shiinaha oo diiday baahinta ciyaartii Arsenal iyo Manchester City

0

Telefishinka dowladda Shiinaha ayaa diiday baahinta ciyaar maalintii Axadda ahayd dhexmartay Arsenal iyo Manchester City , kaddib hadal uu sheegay laacibka qadka dhexe uga dheela Arsenal, Mesut Ozil.

Hadalkaas ayaa ku saabsanaa sida ay dowladda Shiinaha ula dhaqmeyso Muslimiinta dalkaas ee Uighur.

Kooxda Arsenal ayaa iska fogeysay hadalkaas.

Sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuqda aadanaha, illaa hal milyan oo qof – oo u badan bulshada Muslimiinta Uighur – in loo maleynayo in lagu xiray xabsi si weyn loo ilaaliyo iyagoo aan maxkamad la hor geyn.

Dowladda Shiinaha waxay ku doodeysaa in “xarun lagu barayay xirfado kala duwan la geeyay si looga hortago xagjirnimada rabshadaha sababta”.

“Arsenal, Koox ahaan markasta way ka fogtahay siyaasadda,” ayaa lagu sheegay war ka soo baxay kooxdan ka dhisan london.

“Ka dib farriintii Ozil ee baraha Bulshada ee Jimcihii, Arsenal waxay caddeyneysaa in taas ay tahay aragti u gaar ah Mesut ozil.”

Warka qoraalka ah ee kooxda Gunners waxaa lagu daabacay barta arrimaha bulshada ee Shiinaha ee Weibo.

Mesut Ozil oo ah Muslim, wuxuu Muslimiinta Uighurs ku tilmaamay “halgamayaal ka hortagaya cadaadis” wuxuuna cambaareeyay dowladda Shiinaha iyo dalalka Muslimiinta ee ka aamusan arrintaas.