
Koox hubeysan oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa galinkii dambe ee maanta weerar ku qaaday hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho.
Hoteelka la weeraray oo ay wararku sheegayaan in kooxda hubeysan ay wali gudaha ugu jiraan, ayaa ku yaalla meel aad ugu dhow xarunta madaxtooyada Qaranka ee Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jiraan warar madax bannaan oo sheegaya khasaaraha uu sababay weerarkan socda.
Al-Shabaab ayaa bayaan ay goor dhaweyd soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, iyagoo intaas ku daray inay xubnahooda ka dagaallamayaan gudaha hoteelka SYL.
Hase ahaatee ma jiro wax war ah oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya kasoo saartay dhacdadan.
Wariyeyaal ku sugan agagaarka goobtaas ayaa BBC-da u xaqiijiyay inay rasaas ka dhaceyso gudaha hoteelka.
Wararka kusoo kordha dhacdadan waan idiin soo gudbin doonnaa.